updated on:

Sunday, September 15 2013

News   Warka  
Wasaarada Gaashaandhiga:"Amniga muqdisho ayaan xooga saari doonaa" PDF Print E-mail
Wednesday, 14 November 2012 17:01

Wasiirka wasaarada Gaashaandhiga Xukuumadda cusub ee dalka Soomaaliya ayaa sheegay inay ku dadaali doonaan sugidda ammaanka Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Hadalkaan ayaa wuxuu sheegay wasiirka markii mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ay codka kalsoonida ay siiyeen maalintii shalay golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya

C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi Wasiirka Difaaca dalka ayaa ka dhawaajiyay inuu ku dadaali doono sidii shacabka Soomaaliyeed ay ugu noolaan lahaayeen nabadgalyo oo aysan ka baqan amani daro marnaba.

Wasiirka ayaa wuxuu intaasi uu ku sii daray hadalkiisa in xukuumadaan cusub ay si aad ah diirada u saari doonto sugigada amaanka muwaadiniinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Sidoo kale wuxuu intaasi uu ku sii daray hadalkiisa wasiirka in shacabka Soomaaliyeed loobaahanyahay in ay la shaqeeyaan xukuumada oo ay shalay meel mariyeen baarlamaanka Soomaaliya.

Xukuumada Soomaaliya ayaa waxay aad kaga yartahay xukuumadihii ka horeeyay waxayna ka koobantahay oo kaliya 10-wasiir, waxaana haatan laga wardhoorayaa waxqabadka ay la timaado.

Hadalka wasiirka ayaa wuxuu ku soo adayaa xili magaalada Muqdisho iyo dhamaanba gobalada Soomaaliya ay ka jiraan falal amaanka ka soo horjeeda kuwaasi oo mar marka qaar saamayn ku yeesha dadka shacab ah.

 

Written by Diirad News Desk-Somalia