updated on:

Sunday, September 15 2013

News   Warka  
Wafdi Heersare ah oo maanta Muqdisho soo gaaray PDF Print E-mail
Wednesday, 14 November 2012 16:19

Wafdi ka socda Dowladda Dalka Turkiga iyo sidoo kale Dowladda dalka Iiraan ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho kuwaasi oo kulamo la qaatay Madaxda Dowladda Soomaaliya.

Wafdiga ka socday Dowladda dalka Turkiga ayaa waxaa horkacaye Wasiirka arimaha dibada dalka Turkiga Axmed Oogloow iyadoo markii uu kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho loo galbiyay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya halkaasi oo uu kulan kula qaatay Madaxda Dowladda.

Wasiirka arimaha dibada dalka Turkiga ayaa kulanka kadib wuxuu tagay xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo uu Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya uu khudbad ugu jeediyay.

Nuxurka khudbad uu halkaasi ka jeediyay Axmed Oogle ayaa waxa ay aheyd in Dowladda dalka Turkiga ay dhisayso xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho oo uu burbur xoogan ka muuqdo.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay dhismaha la dhisaayo xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Wasiirka arimaha dibada dalka Iiraan Cali Akbar Saalixi oo isna dhankiisa saxaafada shir uqabtay ayaa wuxuu sheegay in dhawaan dalka Soomaaliya ay ka furanayaan safaarada dalkooda.

Wuxuu sheegay Cali Akbar Saalixi in dhawaan dalka Soomaaliya ay dib ugu furaan doonaan safaaradii Iiraan ee dalka Soomaaliya.

Tan iyo markii Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku guuleestay doorashadii ka dhacday dalka Soomaaliya Muqdisho waxaa soo gaaraye wafuud kala duwan oo ka socda dalalka caalamka.

Written by Diirad News Desk-Somalia