updated on:

Sunday, September 15 2013

News   Warka  
Britain oo soo dhoweeysay ansixinta golaha wasiirada PDF Print E-mail
Wednesday, 14 November 2012 15:26

Dowlada Wadanka Ingiriiska ayaa si weyn u taageertay talaabada ay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay ku Ansixiyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya ee shalay la horgeeyay

Wasiirka Arimaha Afrika ee Dowladda UK Mark Simmonds ayaa warbixin uu soo dhigay bogga Safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya ayuu ku sheegay in Dowladda Ingiriisaka ay si diiran usoo dhaweyneyso Ansixinta Baarlamanka ee Xukuumadda cusub.

Dowlada Wadanka Ingiriiska waxa uu soo dhaweynaya Talaabadii Geesinimada lahayd ee shalay horey u qaadeen Baarlamaanka Soomaaliya,waana shaqo laga filayay in Baarlamaanka ay ku dhaqaaqaan,taasi waxa ay dhiira galineysaa habsami usocodka howlaha horyaala Dowlada Soomaaliya ee dhawaan la doortay ayuu yiri'Mark Simmon,

Sidoo kale Wasiirka Arimaha Afrika ee Dowladda Ingiriiska Mark Simmonds ayaa daaha ka rogay in codka ay siiyeen Baarlamanka Xukuumadda cusub uu cadeyn u yahay taageerada muuqata ee ay u hayaan golaha cusub, isagoona arin hormar iyo horay u socod ku tilmaamay in laba Haween ay ka muuqdaan Xukuumadda cusub.

Ugu danbeyntii Dowlada Ingiriiska ayaa shaaca ka qaatay in Dowlada Soomaaliya ay kala shaqeyn doonto sidii ay dib ugu soo hanan lahayd haykalkii Dowladnimo ee Soomaaliya,waxaana balan qaatay in hiil iyo hooba lagarab taagan tahay Dowlada Soomaaliya iyo Wadamada Taageeraya,

Hadalkan kasoo yeeray Dowladda Ingiriiska ayaa kusoo beegmaya xilli Mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya ay maalinimadii shalay cod Aqlabiyad ah ku Ansixiyeen Golaha Wasiirada Cusub ee Soomaaliya.

Written by Diirad News Desk-Somalia