updated on:

Sunday, September 15 2013

News   Warka  
Baarlamanka Soomaaliya Oo Maanta Si Aqlabiyad Leh Ku Ansixiyay Xukuumada PDF Print E-mail
Tuesday, 13 November 2012 15:17

Mudanayaasha baarlamanka Soomaaliya ayaa manta kulan ay isugu imaadeen waxay si aqlabiyad leh codka kalsoonida kusiiyeen xukuumada cusub ee uu dhowaan soo magacaabay RW Saacid.

Mudanayaasha baarlamanka oo maanta lahor keenay xukuumada ayaa waxaa codsi ujeediyay madaxweynaha jamhuuriyada Soomaaliya oo mudanayaasha baarlamanka maanta hor yimid kana codsaday ineey ansixiyaan xukuumada uu soo dhisay RW C/faarax Shirdoon Saacid.

Intaas kadib ayaa mudanayaasha baarlamanka waxaa soo hor istaagay RW Saacid, oo usoo bandhigay wax qabadka xukumadiisa iyo waxa ay ka koobantahay iyo waxa ay hiigsan doonto.

RW Saacid ayaa sheegay in xukuumadiisa ay wax badan ka qaban doonto arimaha gudaha iyo amniga, ladagaalanka musuqmaasuqa, dhisida ciidamada xooga dalka, Booliska, Nabad sugida iyo Asluubta, sidoo kale RW waxa uu sheegay in xoog iyo xeeladba ay kula dagaalami doonaan kooxda Al-shabaab ee xiriirka laleh AL-qaacida, iyo ladagaalanka Burcad-badeednimada.

Ra’iisulwasaaraha ayaa markii uu dhameystay qudbadiisa waxaa mudanayaasha baarlamanka Soomaaliya ay intooda badan isku raaceen in codka kalsoonida loo qaado xukuumada, waxayna mudanayaasha arimahaas uxilsaarteen mudane Xasan Abshir Faarax.

Intaas kadib gudoomiyaha Baarlamanka mudane Maxamed Cismaan Jawaari ayaa mud

Anayaasha usheegay in codka kalsoonida lo qaadayo xukuumada cusub.

Codkii loo qaaday xukuumada ayaa waxaa ugu danbeyntii natiijadeeda ku dhawaaqay Prof. Jawaari, gudoomiyaha ayaa sheegay in 219 xilibaan ay codka kalsoonida siiyeen xukuumada RW Saacid, 3-na ay ka aamustay halka 3 kalena ay diideen.

Mudanayaasha baarlamanka ayaa markii ay sida aqlabiyada leh ku ansixiyeen xukuumada waxaa mahanaq usoo jeediyay RW Cabdi Faarax Shirdoon, waxowna uga mahad celiyay mudanayaasha sida ay kalsoonida usiiyeen xukuumada cusub oo uu maanta hor keenay.

Written by Diirad Desk