updated on:

Sunday, September 15 2013

News   Warka  
Dr.Dufle oo qatay Tarzan xildhibaanimadiisii PDF Print E-mail
Tuesday, 13 November 2012 15:13

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ah guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa maanta lumiyay kursigii uu baarlamaanka ku lahaa kaddib markii lagu beddelay Dr. Cusmaan Xaaji Maxamuud Nuur (Dufle).

Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa fadhigii maanta ee lagu ansixiyay xukuumadda cusub ka sheegay inuusan Tarsan sii ahaan karin xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya isagoo ah duqa magaalada Muqdisho.

“Mudanaha ka tirsan baarlamaanka ma qaban karo xil dowladeed oo aan ka ahayn wasiirnimo,” ayuu yiri afhayeenka baarlamaanka.

Tarsan ayaa odayaasha dhaqanka ee beeshiisa waxay bishii August ka dhigeen xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Tarsan ayaa la sheegayaa inuusan hor iman baarlamaanka si loo dhaariyo, isla markaana ma uusan ka qeyb-galin kulamadii uu yeeshay baarlamaanka.

Dr. Dufle oo ah dhaqtar, isla markaana bare jaamacadeed ka ah magaalada Muqdisho ayaa xilal kala duwan wuxuu horey uga soo qabtay dowladihii dalka soo maray wixii ka dambeeyay 1990, wuxuuna mar wasiir ku xigeen caafimaad ka noqday dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Written by Diirad Desk