updated on:

Tuesday, March 19 2013

News   Warka  
Booliiska AMISOM oo Muqdisho ka howlgalay PDF Print E-mail
Wednesday, 08 August 2012 12:54

Xarunta  Gaadiidka Booliska ee Gobolka Baanaadir ayaa waxaa shalay lagu Arkayay qaar ka Tirsan kawaarida dagaal ee Ciidamada Booliska ee AMISOM leedahay, iyagoo isla shalay biloway howlgaladooda Amni sugid, lana arkayay gawaaridooda oo si Rondo ah ku Marayay xafadaha ku dhow dhow Gaadiidka Booliska ee Deg. Shibis.

Ciidamada AMISOM ayaa waxey muuqataa in ay sii siyaadinayaan dadaalada ay ugu jiraan ka mira dhalainta Xagga amniga ee soomaaliya, iyadoo Ciidamadaani Shalay Degay Xarunta gaadiidka Booliska  ay aheyeen kuwa ay Qo fwali garan garto in ay yihiin milatari iyo Boolis.

Ugu danbeentii AMISOM ayaa waxey u muuqataa mid isku diyaarineyso in ay Guud ahaan sugto Amniga magaalada Muqdisho, iyadoo ay dhawaan la filayo in ay dhacayaan Doorashooyinka looga baxayo Xilliga KMG nimo ee Soomaaliya

Written by Diirad Desk