updated on:

Tuesday, March 19 2013

News   Warka  
Yusuf Garaad Hogaamiye la macaamili Kara Qeeybaha Kalla Duwan ee Bulshada Soomaalida Xalna u Noqon Kara Xaaladaha Murugsan ee Soomaaliya PDF Print E-mail
Wednesday, 08 August 2012 12:47

Yusuf garaad Cumar Axmed oo ah saxafi rug cadaa ah oo caana laguna yaqaano karti iyo hufnaan ahna qof sharafeed ayaa markii uu ka damqaday dhibaatada heeysata shacabkiisa go’aansaday u u wadankiisa iyo dadkiisa badbaadiyo,
Yusf Garaad waxa uu ka soo shaqeeyay Sama Fal iyo Saxaafad oo labaduba ah labada shaqo ee ugu naxariista badan shaqooyinka la qabto isla markaasna ah laba shaqo oo aad ku baraneeyso dad badan oo kalla duwan,
Dadkaa soo aad baraneeyso sida loola macaamilo loola dhaqmo Dumar Rag Caruur waaweeyl aqoonyahan Culumo ururu siyaasadeed kuwo diimeed dad aan wax baran dad baadiye joogo dad magaalo jooga iyo dhamaan qeeybaha kalla duwan ee bulshada oo dhan
Yusuf waxa u yaqaanaa lana macaamilo dadka furaha u ah shacabka hogaamiyaasha siyaasada kuwa dhaqan iyo kuwa diinta iyo qof walba oo soomaali ah oo yusuf dabeecad yaqaano dhaqan yaqaano maadaamo yusuf shaqooyinka u ka soo shaqeeyay ay yihiin shaqooyin lagu barto dadka aadna ku qasbantahay in aad qof walba la macaamisho,
Ka sokoow yusuf shaqooyinkaas u bulshada u soo qabtay waa nin bulshay ah kaftan badan jecel in u badbaadiyo shacabkiisa
Hadii yusuf alle u qadaro in uu hogaamiyo soomaaliya waxa uu yusuf wax badan ka badali karaa hab dhaqanka soomaalida iyo guud ahaan siyaasada geeska afrika waxa uuna noqon doonaa hogaamiye aan sharafno sida Adan Cabdulle Cusmaan Hogaamiyihii ugu horeeyay Hogaaminta soomaaliya.

 

Source: somaale.com

 

Written by Diirad Desk