updated on:

Tuesday, March 19 2013

News   Warka  
Virus Cusub Oo Kadilaacay Wadanka Uganda PDF Print E-mail
Saturday, 28 July 2012 17:38

Virus cusub oo kadilaacay wadanka Uganda laguna magacaabo Epola ayaa waxa uu dilay dad gaaraya 13 qofood,waxaana hada socda dadaalo uu wado ururka caafimaadka QM uqaabilsan ee WHO si loo yareeyo qatarta cudurkaan.

Ilaa iyo hadda looma helin daawo ama kahor tag lagula dagaalamo Virus-kan,waxaana cudurkaan laysugu gudbiyaa meelaha daboolan ama marka uu qofka qabo uu soo galo meel aan hawo laheen isla markaasna dadkale ay ka agdhowyihiin, waxa uuna dilaa tiro gaareeysa 90% dadka uu asiibo.

Joaquim Saweka oo katirsan ururka WHO ayaa waxa uu sheegay in Viruskan uu dalka Uganda kasoo ifbaxay bishii June ee lasoo dhaafay gaar ahaan waxaa lagu arkay deegaanka lagu magacaabo "Kibale" oo 170km dhanka bari kaxigta caasimada wadankaas ee Kampala.

2o qofood uu haleelay Viruskan ayaa ilaa hada waxaa u geeriyooday 13 kamid ah.

Kipale oo u dhow wadanka Kongo ayaa waxa uu Viruskaan mar kasoo ifbaxay sanadii1976 waxaana markaas loogu magac daray "Ebola River."

Cudurkaan ayaa marka uu qofka ku dhaco koow waxa uu dareemaa xumad ama qandho aad udaran, sidookale waxa uu dareemaa tabardaro iyo murqaha oo xanuuna,sidoo kale waxa uu dhiig kakeenaa sanka afka iyo dhagaha.

Written by Diirad News Desk-Somalia