updated on:

Tuesday, March 19 2013

News   Warka  
Faahfaahin kasoo baxeysa qarax goor dhoweyd kadhacay xarunta ay ergada ansixineysa dastuurka kushirayeen PDF Print E-mail
Friday, 27 July 2012 06:15

Ergadii ka qeybgaleysay madasha shirka ansixinta dastuurka ayaa goordhow laga soo celiyey madasha shirka ee xarunta Iskool Boolisiya (Gen Kaahiye) ee degmada Xamar Jajab kadib markii qarax miino uu saaka ka dhacay xarunta shirka.

Mid ka mid ah ergooyinka ka qeybgalaya shirka  ayaa sheegay inay dib ugu laabteen hoteeladooda kadib mrkii saaka xilli ay galayeen xarunta uu qarax ka dhacay gudaha xarunta ay ku shirayeen.

Saraakiisha booliska ee ka masuulka ah amaanka goobta iyo ciidamada AMISOM ayaa ku wargeliyey ergooyinka inay ku laabtaan hoteladooda illaa inta amaanka laga xaqiijinayo, waxaana haatan socda baaritaan culus oo laga wado hareeraha iyo gudaha xarunta.

Shirka ansixinta dastuurka oo maanta geli lahaa maalintii saddexaad ayaa sidaasi ku baaqday, sida ergooyinka qaarkood ay sheegeen.

Dhanka kale Sida goob joogayaashu sheegayaan miino nooca dhulka la geliyo ah ayaa ka qaraxday gudaha xarunta Iskool Boolisiya xilli ergada inteeda badneyd aysan weli soo xaroonin.  Ma cadda khasaaraha ka dhashay qaraxa illaa hadda.

Qaraxa kadib ayaa bambooyin kale oo aan weli qarxin waxaa laga helay albaabka hore ee laga soo galo xarunta Iskool Boolisiya, waxaana ergooyinka safka ku soo jiray loo sheegay inay dib uga laabtaan.

Lama oga sida ay ku suurtagashay in miinooyinka la geliyo gudaha xarunta Iskool Boolisiya iyadoo amaanka ay adkeeyeen ciidamada AMISOM iyo kuwo Soomaalida ee loo xilsaaray adkeynta amaanka goobtan oo ay ku shirayaan ergooyin gaaraya 825 xubnood.

Xerada iskool buluusiya waxaa lagu xiray  qalab casri ah oo loo adeegsaday amaanka goobta shirkan uu ka dhacayo, waxaana aad u adag in cid bannaanka ka timid ay goobta wax ka sameyso.  Tusaale ahaan, waxaa gees kasta oo xarunta shirka ka mid ah lagu xiray Kaamerooyinka amaanka, iyadoo iridka laga soo galo xarunta la dhigay qalabka ‘SCAN’ ee qofka uu soo dhexmaro.

Dhamaan dadka soo galaya xarunta waxay ku soo galaan kaarar aqoonsi oo ay bixiyeen UNPOS iyo guddi ka socda xafiiska raysul wasaaraha, waxayna kaararkaasi leeyihiin qof kasta ‘FARIHIISA’ iyo sawirkiisa oo xaqiijinaya in qofka kaarka sita uu isaga yahay.

Written by Diirad News Desk-Somalia