updated on:

Tuesday, March 19 2013

News   Warka  
Muxuu Soomaaliya Kabadli Doonaa Dastuurka Cusub(Faallo) PDF Print E-mail
Friday, 27 July 2012 02:35

Hogaanka dhaqanka soomaaliyeed oo hada kadoodaya dastuurka cusub ee ay soomaaliya yeelan doonto,kaasoo sida lasheegay ilaalin doona xuquuqda aasaasiga ah, islamarkaasna lagu badbaadinayo mummada,kooxda soo diyaarisay dastuurkan waxay sheegeen in uuba kafiicanyahay kan mareeykanka marka laga fiiriyo sida uu u ilaalinayo xuquuqda aasaasiga ah ee uu leeyahay shaqsiga Soomaaliga ah.

Taasna waa tan keentay in shalay ay dad farabadan ay isugu soo baxaan magaalada muqdisho kuwaasoo taageersan dastuurka cusub ee soomaaliya, iyadoo wali ay jirto magaalooyin farabadan oo ay gacanta kuhayaan kooxda mintidka ah ee Al-shabaab una baahan in laxoreeyo.

Laakiin Xuquuqda qaar bee ku qoran dastuurka sida,xaqa qofka uu uleeyahay inuu helo caafimaad iyo daryeel,inuu helo biyo nadiif ah,koronto,waxbarasho lacag la’aan ah, intaasna oo dhan doowlada cusub ay soomaaliya yeelan doonto waxay noqon doontaa mid dhib ku ah ineey kafaalad qaato,sidookale waxaa sahlanaan doono in qofka soomaaliga ah ladaboolo baahidiisa aasaasiga ah ee nololeed.

Odoyaasha dhaqanka oo kakooban 825 ergo ayaa waxaa maalinkii arbacada shir uga furmay magaalada muqdisho wuxuuna socon doonaa mudo 9 maalmood ah waxaana looga fadhiyaa ineey ka doodaan kadibna u codeeyaan dastuurka cusub ee ay soomaaliya yeelaneyso,waxaana lagu wadaan in isbuucan dhamaadkiisa uu soo gabagaboobo kadibna soomaaliya waxay gali doontaa waa cusub.

Waqtiga xukuumadan hada katalisa Soomaaliya waxa uu ku egyahay 20-ka Augusto, balse intaas kahor odoyaasha dhaqanka waxay ucodeyn doonaan dastuurka,kadibna waxaa loo codeyn doonaa Baarlaman cusub oo kakoobnaan doona 275 xubnood,kadibna baarlamankaas waxa uu dooran doonaa madaxweyne cusub,hadii odoyaasha dhaqanka ay ucodeeyaan dastuurka cusubna waxaa markale dib uga munaaqashoon doona una codeyn doona baarlamanka cusub ee ay soomaaliya yeelan doonto.

C/wali Maxamec Cali oo ah ra’iisul wasaaraha xukuumada KMG mudana kunoolaa wadanka mareeykanka gaar ahaan New York mar uu odoyasha dhaqanka lahadlay maalma kahor waxa uu ku yiri “dastuurka cusub waxa uu calaamad uyahay cadalada,iyo sinaanta shacabka iyo wadanka” waxa kaloo yiri dastuurkan waa mid KMG laakiin ugu danbeynti waxa uu noqon doonaa mid afti looga qaado ummada soomaaliyeed oo dhan qaybaheeda kala duwan.

Dastuurkan cusub ee ladoonayo in hada la ansixiyo waa mid KMG ah oo kaliya,waxaana qoristiisa labilaabay sanadi 2004.

Sida ay sheegeen dadki soo diyaariyay mashruuca dastuurkan waxaa saldhig ama bays u ah diinta islaamka sidookale waxay sheegeen in laga saari doono qodob kasto oo diinta ka hor imaanayo iyadoo uu kujiro qodob tilmaamaya in haweenka ay qaban karaan jagooyinka ugu sareeya dalka,waxaana soo gali kara ineey noqn karto madaxweyne taasoo iyadana kahor imaaneysa diinteena suuban, sidookale waxaa kujira qodob sheegaya in qofka uu xur uyahay inuu gali karo ama kubiiri karo diintuu doono iyadoo diinteena islaamka ay farayso in ladilo qof isagoo islaam ah hadii uu kabaxo diinta islaamka,hadaba su'aasha isweydiinta mudan ayaa ah sida laysu waafajin karo qodobadan aan hada soo xusnay ee kujira dastuurka iyo shareecada islamka ee saldhiga u ah dastuurka cusub?

Augustine mahiga oo ah danjiraha QM uqaabilsan soomaaliya waxa uu sheegay in hadii la ansixiyo dastuurkan cusub uu soomaaliya uhorseedi doono ineey ku biiraan qarniga 21-aad oo micnaheedu yahay waxay gaarayaan hurumar,waxa uu sheegay in dastuurka ay kujiraan qodobo kafaalad qaadaya xuquuqda qofka iyo xuriyada sidookale waxa uu tilmaamay in haweenka ay door weyn kuyeelan doonaan.

Hadaba waxaa isweydiin mudan dastuurka cusub ay soomaaliya yeelan doonto ma mid ay soomaalidu raali katahay baa? mise waa mid uu garwadeen kayahay mahigaa? xuriyada iyo xuquuqda iyo doorka haweenka ay madaxda iyo mahiga ku celceliyeen ineey kujiraan dastuurka maxaa ummada loogu sharixi la'yahay qaabka ay yihiin.

Written by Diirad News Desk-Somalia