updated on:

Wednesday, April 11 2012

News   Warka  
Yurub oo taageertay kordhinta ciidanka AMISOM PDF Print E-mail
Tuesday, 21 February 2012 07:29

Saraakiil u hadashay midowga yurub ayaa saxaafadda waxa ay u sheegeen in arintaasi ay tahay ififaalo muujinaysa inay soo dhawaatay nabadii Somalia islamarkaana laga guulaystay kooxo ay ku sheegeen inay yihiin argigixso oo sida ay sheegeen ku sugan gudaha dalka Somalia .

Saraakiishan ayaa waxa ay tilmaameen in tiro kordhinta ciidamada AMISOM iyo in la tayeeyo oo la tababarro ciidamada dowlada KMG ay keeni karto in hormar laga sameeyo dhibaatooyinka qaar kamid ah xalka loo waayay ee ka jiray dalka Somalia

Saraakiishan u hadashay Midowga yurub ayaa sidoo kale waxa ay daaha ka rogeen in dhankooda ay qeyb wayn ka qaadanayaan taageerada la taageerayo ciidamada AMISOM   oo bishan gudaheeda ay bixinayaan lacag gaaraysa 13 million oo doolar ayna sii kordhinayaan lacagtaas bilaha soo socda.

Miowga .yurub ayaa sidoo kale wax lagu farxo waxa ay ku tilmaameen shirka ay qaban qaabinayso dowladda ingiriiska oo todobaadkan la filayo inuu ka dhaco magaalada London  , waxana shirkaasi ay ku sheegeen mid gunaanad u noqonaya dhibaatooyinkii ka jiray dalka Somalia.

Diirad News Desk

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Written by Diirad Desk