| Madaxweyne Shariif oo warka soo saarey qilaafka Baarlamaanka |
|
|
|
| Wednesday, 14 December 2011 20:04 |
|
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed, wuxuu maalmahan ku mashquulsanaa kulamo xal loogu raadinayo khilaafaadka kuwaas oo meel fiican soo gaaray. Haddaba, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, isagoo ka welwelsan deg degga iyo sida kediska ah ee uu ku dhacay Go’aanka ay xubno ka mid ah Baarlamaanka Federaalka KMG ah soo saareen shalay ee ku saabsanaa Xil ka-qaadis Guddoomiyaha Baarlamaanka , ayaa tibaaxay dareenka uu ka qabo tillaabada lama filaanka ah ee uu Baarlamaanku qaaday, wuxuuna yiri: “ Ma ahayn dhacdo cusub laakiin waqtiga uu ku soo beegmay ayaa xasaasi ah, waana dhacdo aan la fileynin oo dareenkeeda leh, walina baaris iyo ka baarandeg ayaan ku jirnaa si aan u helno xaqiiqda dhabta ah iyo duruufaha keenaya go’aankaas.” Dalku wuxuu ku sugan yahay duruufo gaar ah sida la dagaallanka Al-Shabaab, Fulinta Qorshe-Howleedka (Roadmap) iyo Gaarsiinta gargaarka bino’aadnimo. Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray “waxaan sii wadi doonnaa wadahadalka iyo u kuurgalidda xaaladdan si waafaqsan sharciga, waxaana mudanayaasha Baarlamaanka ugu baaqeynaa iney joojiyaan sii wadidda khiliaafaadka, gartaanna masuuliyadda ka saaran habsami u socodka howlahaBaarlamaanka iyo ilaalinta sharciga” “Waxaan talo ahaan soo jeedin lahaa in khilaafaadka la iska ilaaliyo, xoogana la saaro fulinta Qorshe Howleedka (Roadmap) iyo howlaha culus oo na hor yaala” ayuu yiri Madaxweyne Sharif. |
| Written by Diirad Desk |









Sida lawada ogyahay, waxaa maalmahan socday shirar iyo kulamo ay wadeen xubno ka mid ah Baarlamaanka Federaalka KMG ah kuwaasoo waday mooshin lid ku ah Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Qeybi Maqaalkan