updated on:

Wednesday, April 11 2012

News   Warka  
Muranka Baarlamaanka oo heer xun maraya PDF Print E-mail
Wednesday, 14 December 2011 14:19

Waxaa shalay magaalada Muqdisho shir ku qaatay qaarkamida Xildhibaanada Baarlamaanka KMG oo sida ay sheegeen sameystay shirgudoo iyagoo islamarkaasna ku dhawaaqay in ay xilkii ka qaadeen Gudoomiye Shariif  Xassan oo dalka dibadiisa ku maqan.

Go'aankii shalay oo ahaa mid lagu xadgudbay sharuucdii baaralamaanka sida uu diirad u sheegay kuxugeenka Baarlamaanka C/wali Muudey oo sharaxayay qaabka ay wax u dhaceen shalay iyo maanta, Muudey ayaa sidoo kale eedeyn dusha uga tuuray Madaxweynaha oo ilaa iyo hada aanan wax hadal ah laga heyn halka uu arrinkaas ka taagan yahay ee muranka u dhaxeeya mudaneyaasha.

Dhanka kale wararka aanu ka heleyno mudanayaasha ayaa sheegaya in ay ka xunyihiin isbadalka soo socda ee Baarlamaanka la doonayo in lagu yareeyo iyadoo la filayo bisha dambe 15-keeda shirka Garoowe in ay kasoo baxaan qodobo muhiima oo ragbadan ay meesha iska weyn doonaan kuwaas oo hada fowda'da waxku raadinaya sida uu inoo sheegay mid ka mida Xildhibaanada.

Todobaadkii hore markuu Muqdisho soo gaaray xoghayaha guud ee Q.M Ban Ki Moon waxaa uu xukumada iyo Baarlamaanka u cadeeyay in aysan dhici doonin xil kororsi kale oo loo sameynayo Agoosto sanadka dambe wixii ka dambeeyay.

Si kastaba ha ahaatee waxaa la filayaa in arrintan oo haatan u muuqata mid cirka iskusii shareereysa in ay keento qilaaf xoogan iyadoo ay noqoneysana in la buriyay heshiiskii Kampala Accord ee lixbilood ka hor ay labada Shariif wada saxiixdeen.

dhinaca kale waxaa kooxda UN monitoring group ay sheegeen in la sameyn doono warbixino ku aadan shaqsiyaadka qala'laasaha wada iyadoo warbixintaasna la horgeyn doono qaramada Midoobay.

iyadoo gacanka hadalkii maanta ee dhexmaray mudanayaashana uusii daciifinayo rajadii horey looga laha in laga gaaro ujeedooyinkii looga bixi lahaa dowlad la'aanta mudo ka jirtay dalka Soomaaliya.

Wargelin:Waxaan idiinkaga cudur daareynaa wararkii diirad oo baryahan hawada ka maqnaa balse hada soo noqday

 

Diirad News Desk

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Written by Diirad Desk