| Ban Ki-Moon oo ku baaqay ciidamo dheeriya |
|
|
|
| Wednesday, 14 December 2011 14:14 |
|
Ban wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya oo taageero ka heleysa ciidamada AMISOM ay iminka ka taliso guud ahaan 16-ka degmo ee gobolka Banaadir. “Si guusha laga gaaray Muqdisho loo gaarsiiyo goobo ka baxsan magaalada, waxaa loo baahan yahay in ciidamada AMISOM la gaarsiiyo 12 kun oo askari, lana siiyo qalab milateri,” ayuu yiri Ban Ki-Moon. Muddadii uu joogay gobolka, Ban Ki-Moon wuxuu booqasho ku tegay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab, halkaasoo ay ku jiraan nus malyan qaxooti Soomaali ah. Ban Ki-Moon wuxuu sheegay in gargaarka bini’aadannimo ee beesha caalamka uu badbaadiyay boqolaal kun oo qof oo ka soo barakacay abaarta ka dhacday Soomaaliya. Wuxuu ka digay in malaayiin qof ay wali khatar ugu jiraan macluul. |
| Written by Diirad Desk |









Xoghayaha guud ayaa Jimcihii la soo dhaafay wuxuu booqasho gaaban ku tagay magaalada Muqdisho, halkaasoo kulan uu kula yeeshay madaxda sare ee dowladda Soomaaliya iyo saraakiisha AMISOM.
Qeybi Maqaalkan