updated on:

Wednesday, April 11 2012

News   Warka  
Fa-faahin qaraxii Villa Baydhaba PDF Print E-mail
Wednesday, 30 November 2011 14:01

Milatariga dowlada ayaa ka hadlay qaraxi is miidaaminta ahaa ee lagu weeraray Villa Baydhabo.

Sarkaal ka tirsan milatariga oo aan qadka telfoonka kula xiriirnay ayaa u sheegay Diirad.com, in qaraxa uu ka danbeeyey qof kusoo labistay dareeska ciidanka dowlada kaasi oo isku dayey inuu gudaha usoo galo xarunta.

Laba xidigle Hassan Hussein oo ka mid ah saraakiisha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyey in qaraxa ay ku dhaawacmeen 7 askari balse aysan jirin wax dhimasho ah oo soo gaaray ciidanka marka laga rabo qofka is qarxiyey.

Waxa uu ku eedeeyey qaraxa in ay ka danbeeyaan Xarakada Al Shabab oo lagu tiriyo in ay Soomaaliya wakiil uga yihiin ururka Al-Qaida, waxa ay sheegteen weeraro qasaaro geystay iyo qaraxyo oo horay uga dhacay magaalada Muqdisho.

Waxaa la filayaa in saacadaha soo aadan uu saxaafada la hadlo taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed G/sare C/kariin Yusuf Dhagabadan.

Written by Diirad News Desk-Somalia