| Musharax C.C. Guure oo kulan la qaatay...... |
|
|
|
| Tuesday, 29 November 2011 18:05 |
|
Kulankan oo ahaa kii ugu horeeyay ee dhexmara labada masuul ayaa looga wada hadlay xaalada Soomaaliya gaar ahaan sidii waxloogu qaban lahaa Soomaalida abaaruu ayku dhufteen gudaha Soomaaliya, waxaa sidoo kale kulankaasi looga hadlay xaaladda Soomaalida Leicester oo kaalin muga ku leh dhaqalaha magaaladda maadaama ayku yaalaan ganacsi badan oo ay leeyihiin.
Dhanka kale Mudane Cali Cabdulle Guure ayaa horey u shaaciyay inuu rajeynayo in dadka Soomaalida ay ku garabsiiyaan sidii uu kaalin uga qaadan lahaa xasilinta iyo dib u soo celinta Soomaaliya, waxaa sidoo kale uu sheegay in uu marayo wada'dii uu maray madaxweynihii malaysia oo ahaa nin indhoola hadana kaalinta uu hormarka ka qaatay ay aheyd mid ilaa iyo hada ay dadka malaysia harsanayaan hormarkaasi. Diirad News Desk This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
|
| Written by Diirad Desk |









Kulan dhawaan lagu qabtay magaalada Leicester ee cariga Ingriiska ayaa waxaa halkaasi kulan ku qaatay ku xigeenka duqa magaaladaasi oo casuumad u fidshay musharaxa xilka Madaxweynenimo ee Soomaaliya 2012 Mr Cali Cabdule Guure.
Kulankan ayaa Mudane Cali Cabdulle Guure waxaa uu ku xigeenka duqa magaaladda Leicester Abdul Osman uu u balan qaaday inuu ka saacidi doono doorashooyinka soo socda sidii ay Soomaalida ugu codeyn lahaayeen halka dhanka Mayorkana uu balan qaaday in ay kaalin ka geysan doonaan mashaariicda horumarineed iyadoo dhawaana la filayo in Muqdisho ay Leicester u dirto gawaarida caafimaadka sida Amblaaska oo ay magaaladu ugu deeqday isbitaalada Muqdisho in ay ka faa'iideystaan.
Qeybi Maqaalkan