updated on:

Wednesday, April 11 2012

News   Warka  
Shariif oo codsi u diray Qaramada Midoobay PDF Print E-mail
Tuesday, 29 November 2011 06:48

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed  ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobay in ay ka qaado dalka cuna qabateynta dhinaca hubka.

Madaxweynaha oo ka hadlayey xiritaanka kulan gogol xaar u ahaa shirka wada tashiga aayaha Soomaaliya ee bilowga bisha soo aadan wajigiisa labaad lagu qaban doono magaalada Garoowe ayaa sheegay in dowlada aysan wax weyn ka qaban karin amaanka gobolada dalka inta ay saarantahay cuna qabateynta hubka.

Waxa uu Sheekh Shariif sheegay in ay qorsheynayaan in dhamaan gobolada dalka ay ka dhisaan xerooyin ciidan oo lagu hagaajin doono laguna tababari doono ciidamada milatariga iyo booliska dowlada.

"Dowlada waxay wadaa dadaal ay ku dhiseyso ciidamada gobolada, laakin wali waxaa na saaran cuna qabateynta dhinaca hubka ah, waxaan fursadaan uga faa,ideysanayaa in la qaado cuna qabateynta dhanka hubka," ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa dhanka kale waxaa si kaftan ah u yiri in uu qaati ka taaganyahay hadalada aanan la fahmi karin ee gudoomiyaha baarlamaanka Sharif Xasan Sheekh Adan iyo Augustine Mahiga kuwaasi oo marki uu qudbada ka jeedinayey Xalane shalay labada dhinac ka fadhiyey.

Written by Diirad News Desk-Somalia