|
Q M :Shariif waan taageerenaa |
|
|
|
|
Thursday, 02 September 2010 07:58 |
|

Saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa taageero dhab ah u balan qaaday dowladda KMG ee Soomaaliya.
Saraakiishan ayaa waxaa ka mid ah ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo wakiilka gaarka ah Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya oo iyagu shalay oo Arbaco aheyd booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.
Dabayaaqada bishan ayaa waxaa lagu wadaa shir caalami ah in lagu qabto xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York, waxaana shirkaasi si gaar ah looga warami doonaan xaaladda Soomaaliya, sida saraakiisha ay sheegeen.
Saraakiishan ka socota QM ayaa magaalada Muqdisho waxaa ay kula kulmeen Madaxweynaha dowladda KMG Shariif Sheekh Axmed.
Agaasimaha warfaafinta xarunta madaxtooyada dowladda KMG, C/kariim Macalin Xaashi ayaa wuxuu sheegay in M/weyne Shariif uu uga war bixiyay saraakiisha QM arrimaha ciidamada iyo xaaladaha ammaanka ee dalka.
|
|
Written by Diirad News Desk-Somalia
|