updated on:

Wednesday, February 1 2012

News   Warka  
Sarkaal ka tirsanTFG oo isku dhiibay Shabab PDF Print E-mail
Wednesday, 01 September 2010 11:15

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Dowlada KMG Somali ayaa maanta waxaa soo bandhigay Xarakada Al-Shabab ee G/bnaadir kuwaasi oo ku sheegay in uu isa soo dhiibay .

C/raxmaan Axmed Cabdi waa sarkaalka maanta lagu soo Muqdisho kaasi oo la hadlay saxafada ayaa sheegay in uu u adkeesan wayay madaafiicda lagu garaacaya Shacabka sidaa darteedna uu isa soo dhiibay .

Isagoo warbaahinta kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ku eedeeyay dowladda KMG iyo ciiadmada AMISOM inay mas'uul ka yihiin dhibaatooyinka joogtada ah ee soo gaaraya dadka shacabka.

Wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay inuu xiriir u sameeyo ciidamada iyo saraakiisha dowladda KMG si ay iyaguna ugu biiraan Al-Shabaab.

Ugu dnabeentii waxa uu sheegay C/raxmaan Axmed Cabdi in uu ka qeyb qaadanayo dagaalada ciidamada Al-Shabab maanta kadib .

Diirad.com
Xafiiska Muqdisho

Written by Diirad News Desk-Somalia