|
Bohaku:Dhaawacooda waxaan u qaadnay Uganda |
|
|
|
|
Wednesday, 01 September 2010 10:51 |
|
Ciidamadii ka tirsanaa AMISOM ee ku dhaawacmay Madfac ay soo tuureen Al-shabab ayaa la gaar siiyey magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda si halkaasi loogu dabiibo. 8 Askari oo uu madfac hoobiye ah kula dhacay gudaha xarunta madaxtooyada Villa Somalia ayaa waxaa dhaawacooda wax ka qaban waayey cisbitaal ay ciidamada Uganda ee ka tirsan kuwa AMISOM ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.
Major Brigiye Bohaku Afahayeenka ciidamada AMISOM ayaa u sheeg warbaahinta wargeyska ku hadla afka dowlada Uganda ee The Vision in ciidamadan oo qaba dhaawacyo kala duwan hada lagu daweynayo cisbital ku yaala caasimada.
Dhinaca kale Magaalada Kampala ayaa waxaa ka socda qaban qaabada aaska afar askari oo u dhashay dalka Uganda kuwaas oo ku dhintay madfac hoobiye ah oo ku dhacay madatooyada Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.
Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay in ay ka danbeeyeen dilka askartaasi Ugandes-ka ah iyaga oo sheegay in ay ku dileen dagaal fool ka fool ah, halka AMISOM ay sheegtay in ay ku dhinteen madfac hoobiye ah oo ku dhacay gudaha madaxtooyada. Diirad.com Xafiiska Muqdisho
|
|
Written by Diirad News Desk-Somalia
|