updated on:

Wednesday, February 1 2012

News   Warka  
Qarax naxdin leh oo lal Eegtay Shacab PDF Print E-mail
Tuesday, 31 August 2010 16:09

Qarax Miino oo gaystay khasaarooyin isugu jiray dhimasho iyo dhaawac ayaa Maanta ka dhacay Wada Isku Warshadaha ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa lala eegtay gaari labo gaari oo rikaab ah kuwaasi oo ku sii kala jeeday Deegaanka Ceelasha biyaha iyo Degmada Dharkeynleey .

Qaraxa ayaa ahaa Miinada dhulka lagu aasay taasina keentay in qeyb ka qabsato gaari Homey ah iyo Bas ay ka buuxeen dad ka soo rawaxayay Suuqa Weyn ee Bakaraha oo hada loo isticmaalo wadada Warshadaha kaliya .

Qaraxa ayaa sababay khasaare dhimashada 12-ruux iyo dhaawac kor u dhaafaya 30 kamid aheed Rikaabkii Gawarida BL-ka ahaa .

Ciidamada Dowlada ee ku sugan Ex-koontrool ayaa qaraxaasi ku eedeeyay Al-shabaab madama ay wadadaasi badnaan isticmaalaa ciidmada AMISOM ee dagan Kuliyada Jaala Siyaad .

Ma jiraan cid sheegatay mas'uuliyada qaraxii gabaldhicii lala eegtay Gawaarida rayidka ,waxay ayna aheed arin dhaxdin leh madama ay ku dhamaadeen dad Soomnaa oo afur doonanayay .

Xafiiska Muqdisho

 

Written by Diirad News Desk-Somalia