| Magalaada Kismaayo Oo maanta rashin dhacay lagu gubay |
|
|
|
| Tuesday, 31 August 2010 12:22 |
|
Sheekh xasan yacquub cali gudoomiyaha degmada kismayo ayaa sheegay inay soo qab,qabteen rashin iyo daawooyin dhacay islamarkaana ay maanta ku duleedka magaalada kismayo ku gubeen wax yaabahaasi dhacay ee aan tayadooda wanagsaneen waa sdia hadal u yiiri. Waxyaabaha dhacay ay maanta lagu gubay ayaa waxay kala ahaayeen sonkor, bariis, daawooyin, iyo bagaasha aad u farabadan kuwaasi oo dhamaantood ahaa wax yaabo taariikhdodu dhacday ama dhamaatay. Gudomiyaha ayaa waxaa sidoo kale sheegay in howlgalada lagu baarayo wax yaabaha dhacay ee dadka laga iibinayo ay magaalada ka sii wadi doonaan . Ugu damabaytii mahan markii ugu horaysey ay maamulka ilsamiga ee magaalada kismayo ay soo qab,qabtaan waxyaabo dhacay oo noocanoo kale ah islamarkaan ay ku gubaan duleedka magalaada kismayo ee xarunta gobbolka jubada hoose.
wararka xaqiiqda ah kala soco Diirad News Desk
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
|
| Written by Diirad News Desk-Somalia |










Maamulka islaamiga ee magalaada kismayo ee xarunta gobbolka jubbada hoose ayaa waxaa maanta gubay rashin iyo dawooyin dhacay kuwaasi oo uu maamulka kasoo aruuriyey suuqyada lagu eebiyo rashin iyo dawooyinka ee magaalada kismaayo.
Qeybi Maqaalkan