|
Aweys:Shariif wuu diiday galada ka har |
|
|
|
|
Tuesday, 31 August 2010 11:33 |
|
Sheekh Xasan Daahir Aweys Guddomiyaha Kooxda Xisbul Islaam ayaa marki ugu horeysay si rasmi ah uga hadlay dagaalada ka socda Muqdisho kadib shir jaraa'id oo uu ku qabtay caasimada gara ahaan Gurigiisa ku yala Xafabda Xamar Jadiid . Oday Awesy oo wariyaasha la hadlay isaga oo labisan dharka Milatariga gacanta midigna ku heysto qori AK-47 ah ayaa marka hore ka jawaabay hadal uu shalay warbaahinta siiyey madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed kaasoo uu Shariifku beesha caalamka ugu baaqay in ay gargaaraan dowladiisa.
Waxa uu sheegay in uu Shariifka dhowr jeer kala hadlay godka mugdiga ah ee uu ku jiro si uu uga soo laabto balse uu ka madax adeegay sida uu hadalka u dhigay.
"Shariif Sheekh Axmed waan u sheegay oo waxaan dhahay kasoo laabto dullinimada aad ku jirto ee gaalada ha raacin, wuu ka madax adeegay, waxaan leeyahay halki C/llahi Yusuf uu maray ayaad mari ama waad kasii darnaan doontaa" ayuu yiri Xasan Daahir.
Dhinaca kale Sheekh Aweys ayaa uga digay ciidamada AMISOM in ay sii joogaan dalka Soomaaliya isaga oo ugu baaqay in ay ka baxaan dalka Soomaaliya.
"Dadka Soomaaliyeed ma ogola in ay sii joogaan ciidamada ajnabiga ah dalkeena, waxaan leenahay haku dhmaanina ee nooga baxan ciidayada, hadii kale waan idinku sii wadeynaa dhibaatada iyo dagaalada" ayuu intaasi kudii daray Sheekha.
Hadalka Xasan Daahir ayaa kusoo beegmay xilli maalinti shalay aheyd ay Al Shabaab ku dileen Muqdisho afar askari oo Ugandes oo ka mid ah ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Africa AMISOM ee ku sugan Soomaaliiya.
|
|
Written by Diirad News Desk-Somalia
|