updated on:

Wednesday, February 1 2012

News   Warka  
4 Askari oo laga dilay AMISOM oo la dhoofiyay PDF Print E-mail
Tuesday, 31 August 2010 09:44

Warar naga soo garaya Taliska Ciidamada Amisom ee jooga Muqdisha ayaa sheegay in maanta la qadaya askar 4 ah oo ku dhintay madfac hoobiye ah oo ku dhacay Madaxtooyada kuwaasi oo lagu wado in la geeyo magaalada Kampala ee xarunta Uganda si halkaasi loogu aaso.

Captain Barigiye Bahoku Afhayeenka Ciidamada Amisom ayaa xalay qiray in afar ka tirsan askartooda ay ku dhimatay, halka sideed kale ay ku dhaawacmeen, sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenka ayaa sheegay in meel ay ciidamadooda ku sugnaayeen uu ku soo dul dhacay Madfac, isagoo beeniyay in ciidamadooda ay ku dhinteen dagaal.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa hada u muuqato meel qatar ah maadaama ay aad ugu dhawyihiin Al Shabaab iyadoo ay mar hore ka barakaceen dadki deganaa xaafadaha deriska la ahaa Madaxtooyo.
Diirad.com
Xafiiska Muqdisho

Written by Diirad News Desk-Somalia