updated on:

Wednesday, February 1 2012

News   Warka  
Uganda oo10 kun Askari geeneesa Muqdisha PDF Print E-mail
Tuesday, 31 August 2010 09:08

Xukuumada Kampala oo shalay afar askari loogaga dilay Magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in ay ciidamo gaaraya 10,000 usoo dirto Somalia hadii ay dhaqaalo ka hekeyso Mareykanka.

Taliyaha ciidanka difaaca ee dalka Uganda ayaa wuxuu sheegay in ay haatan raadinayaan taageero Mareykanka ay ka helaan si askartaasi faraha badan ay ugu soo biiriyaan howlgalka AMISOM.

Waxaa uu sheegay in aan weli go'aan kama dambeys laga gaarin soo dirista askarta tiradoodu gaareyso toban kun, wuxuuna sheegay arrinta in ay wada hadal kala sameynayaan maamulka M/weyne Obama.

Ciidamada dalka Uganda, oo qeybta ka ah AMISOM, ee jooga magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay u baahan yihiin taageero si ay u qabtaan howlgalo dheeraad ah, ayuu tilmaamay taliyaha ciidamada difaaca ee Uganda.

Wuxuu walaac ka muujiyay gaabiska taageerada beesha caalamka iyo dib u dhaca ay sameeyeen dowladihii ku haboohay in ay ciidamo ku soo biirinayaan howlgalka AMISOM.

Sarkaalkan ka tirsan ciidamada dalka Uganda ayaa wuxuu sheegay in ay suurta gal tahay arrimahaasi in ay keenaan in Uganda go'aan ka gaarto joogitaanka mudada dheer ee ciidamadeeda gudaha Soomaaliya.

Diirad.com
Xafiiska Muqdisho

 

Written by Diirad News Desk-Somalia