updated on:

Wednesday, February 1 2012

News   Warka  
Dagaal mar kale dib ugu qarxay Muqdisho PDF Print E-mail
Monday, 30 August 2010 15:39

Iyadoo saakay ay u muuqatay xaalada magaalada Muqdisho mid ka wanaagsan sidi ay aheyd todobadi maalmood ee lasoo dhaafay ayaa galab dhici maanta waxaa mar qura ka qarxay dagaal culus oo u dhaxeeya garabyada isku haya.





Dagaalada ayaa waxa ay ka bilowdeen Waqooyiga Muqdisho gaar ahaan Boondheere iyo C/casiis oo ka mid ah meelaha ay isku horfadhiyaan AMISOM iyo dowlada oo isku saf ah iyo Al Shabaab.

Madaafiic dhowr ah ayaa ku hoobatay Suuqa Bakaaraha daqiiqado ka dib marki uu dagaalka bilowday waxaana ay sababeen dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadka rayidka ah.

Tan iyo marki ay bilowdeen dagaalada maalinti sideedaad ka socda Muqdisho waxa ku dhintay 6 ruux oo afar ka mid ah ay ku geeriyoodeen gudaha Suuqa Bakaaraha, waxaa kale oo ku dhaawacmay 22 ruux.

Dhinaca kale, Al Shabaab ayaa guulo ka sheegatay dagaaladaan iyaga oo tilmaamay in ay ku qabsadeen fariisimo cusub.

Afhayeenka dhinaca ciidamada ee Shabaabka, Sh C/casiis Abu Muscab ayaa sheegay in ay ku dileen askar ka mid ah AMISOM isla markaana ay ku qabsadeen fariisin ay dowlada ku lahaayeen Boondheere.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca dowlada, waxaana lagu kala haaday Suuqa Bakaaraha oo saakay ku furmay jawi aad u wanaagsan, iyadoo ganacsyada qaarkood ay kasoo carareen albaabadooda oo furan.

Wixii warar ah ee kusoo kordha dagaaladan kala soco Diirad.com

Written by Diirad News Desk-Somalia