|
Al Shabab & TFG_da oo guula ka kala sheegtay dagaalka |
|
|
|
|
Monday, 30 August 2010 09:28 |
|
Saraakiisha dowlada KMGS iyo kuwa Al Shabaab ayaa midba guul ka sheegtay dagaalo shalay ka dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho kuwaasi oo ahaa dagaaladi ugu danbeeyey ee ka dhacay caasimada.
Afhayeenka ciidamada Al Shabaab, Sheekh C/casiis Abu Muscab oo la hadlay saxaafada ayaa sheegtay in ay dagaalki shalay ku qabsadeen fariisimo hor leh oo ku yaala dhinaca waqooyi ee Magaalada Muqdisho.
Waxa uu sheegay in ay qabsadeen Inta u dhaxeysa xarunta Wasaaradii hore ee Boostada iyo Isgaarsiinta iyo Hotelki hore ee Jubba, isaga oo ciidamada ay ka qabsadeena ku tilmaamay ciidamo u shaqeeya dowlada Mareykanka oo aanan ka tirsaneyn dowlada KMG.
Hadalkaasi waxaa beeniyey Afhayeenka Ciidamada Booliska DKMGS, Col. C/llahi Xasan Barise, kaasoo sheegay in ay ciidamadooda hada garacnta ku hayaan meelaha uu sheegay Abu Muscab.
Sidoo kale Mr Bariise ayaa guulo ka sheegtay dagaalo shalay ka dhacay Hodan iyo H/wadaag, isaga oo tibaaxay in ay dib ula wareegeen mowlacii Macalin Nuur oo Jimcihi qabsadeen Al Shabaab.
|
|
Written by Diirad News Desk-Somalia
|