updated on:

Wednesday, February 1 2012

News   Warka  
Suuqa bakaaraha $ Ganacsiga oo dib u furmay PDF Print E-mail
Monday, 30 August 2010 09:06

Waxaa saakay si caadi ah u furmay ganacsiga Suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn magaalada Muqdisho kaasoo maalmahan u xirnaa duqeymo iyo dagaalo cuslus oo agagaaraha Suuqa ku dhexmaray Al Shabaab iyo dowlada.




Kumanaan dadweyne ah ayaa saakay kusii qul qulayey kuwaas oo ka kala imaanayey deegaanada nabada ah ee Muqdisho iyo deegaanada loo barakacay iyo kuwa deriska la ah caasimada.

Dadka Suuqa imaanaya ayaa waxaa u badan haween iyo caruur oo doonaya in ay ka iibsadaan dhar cusub maadaama ay soo dhawday Ciidul Fidriga oo ah ciida koowaad ee Islaamka.

Ganacsatada ayaa waxaa ka muuqda cabsi ah in Suuqa lasoo duqeeyo hadii ay dagaalo dhacaan mar hadii wali ay isku hor fadhiyaan dhinacyada dirirtu ay u dhaxeyso afaafka hore ee Suuqa Bakaaraha.

Dhinaca kale waxaa la kordhiyey qiimaha lacagaha lagu raaco gaadiidka aada Suuqa Bakaaraha, kadib marki ay xirantay Wadada Dabka iyo Isgoyska Bakaaraha oo ka mid aheyd wadooyinka muhiimka ah ee loo maro suuqa.

Gaadiidka ka yimaada Zoobe iyo KM-4 ee aada Bakaaro ayaa waxaa lagu raacaa lacag u dhaxeysa toban kun ilaa sideed kun oo shilin Soomaali ah, halka awal ay ka aheyd 4 kun ama sadex kun, sidoo kale gaadiidka ka yimaada Xamar Weyne ee aada Bakaaraha ayaa waxaa lagu raacaa hada 15,000 halka awal lagu raaci jiray 4,000.

Wadada hada ay gaadiidka u maraan Bakaaraha ayaa ah wadada Warshadaha iyaga oo kasoo wareeganada Isgoyska Ex-koontarool Afgooye ee duleedka Muqdisho

Written by Diirad News Desk-Somalia