|
Axmed Diiriye muxuu ka yiri Mdaxtooyada la qabsana |
|
|
|
|
Sunday, 29 August 2010 11:56 |
|

Odayaasha Midnimada Beelaha Hawiye ayaa marki ugu horeysay ka hadlay dagaalada ka socda Muqdisho tan iyo marki ay bilowdeen 14-ki bishan Ramadaan, iyaga oo baaq gaar ah u diray Al Shabaab.
Afhayeenka odayaasha hawiye, Axmed Diiriye Cali oo la hadlay saakay warbaahinta ayaa ku sheegay damaca Al Shabaab ee ah in ay qabsadaan madaxtooyada mid u muuqda dhalanteed.
Waxa uu tibaaxay Axmed Diiriye in Shabaab ay hada heystaan dhul balaaran oo ah gobolo badan oo Soomaaliya ah, sidaasi daraadeedna ay ka joogaan weerarka ay ku hayaan goobaha yar ee ay ka taliso dowlada.
"Nimanyahow waxaad maamushaan dhul balaaran oo nabad ah, magac iyo nacfi midaan doontaanba raadiya'e, ka joogaa fidnadaan iyo shacabka ay u horseedeysaan xasuuqa ee ka jooga madaxtooyada" ayuu yiri.
Axmed Diiriye ayaa tusaale usoo qaatay qatarta iyo gidaarka ka sukeeya Madaxtooyada mid aanan la mari karin, isaga oo uga digay Al Shabaab in ay halkaasi ku dhamaadaan.
"Madaxtooyo waxaa ka sukeeya taangiyo iyo niman aanan meelna u socon marka waxaan leeyahay haku dhameynina wiilasheyna waayo dhamaanteen waan wada dhalanay" ayuu intaasi sii raaciyey Axmed Diiriye.
Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye, ayaa mar walbaa soo saara baaqyo nabadeed mar walba oo ay dagaalo ka dhacaan magaalada Muqdisho
|
|
Written by Diirad News Desk-Somalia
|