updated on:

Wednesday, February 1 2012

News   Warka  
Waa sidee xaalada Muqdisho PDF Print E-mail
Sunday, 29 August 2010 11:43

Iyadoo maanta ay daganeyd xaalada Magaalada Muqdisho ayaa waxaa jiray barqanimadi maanta rasaas iyo madaafiic goos goos ah oo labada dhinac is weydaarsadeen.




Madaafiicda ay is weydaarsadeen ayaa waxaa laga maqlayey qeybo badan oo Muqdisho ah, hase ahaatee ma aheyn mid socotay waqti dheer, waxaa sidoo kale mararka qaar la maqlayey rasaas.

Ma cada qasaaraha ay geysatay, laakin waxaa jirta cabsi in ay mar kale fooda is daraan bacdamaa labada dhinac ay isku muuqdaan.

Geesta kale waxaa jiray madaafiic u gudubtay gudaha Suuqa Bakaaraha hase yeeshee ma jirin qasaaro ay u geysatay dadka rayidka ah.

Dhinaca kale Suuqa Weyn ee Bakaaraha ayaa waxaa maanta ka jira dhaq dhaqaaq ganacsi oo aanan caga badan ku taagneyn.

Suuqa oo hada hal il u furantahay hal ilna isku hayo ayaa waxaa ganacsatada, dadka u xoogsiga tago iyo kuwa u tukaameysi tago waxa ay wada isticmaalayaan wadada Ex-koontarool iyaga oo suuqa usii maraya dhinaca jidka Warshadaha.

Written by Diirad News Desk-Somalia