updated on:

Wednesday, February 1 2012

News   Warka  
Ahlu Sunna: micna buuran malahan in meel lagaa qabsado PDF Print E-mail
Sunday, 29 August 2010 09:30

Culumama,udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa faah faahiyey wixi ku kalifay in ay isaga baxaan dagaalka ka socda Muqdisho gaar ahaan fariisimo ay ku lahaayeen dagamada Hodan.

Culumama,udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa faah faahiyey wixi ku kalifay in ay isaga baxaan dagaalka ka socda Muqdisho gaar ahaan fariisimo ay ku lahaayeen dagamada Hodan.

Afhayeenka Ahlu Sunna, Sheekh C/qadir Abu Yusuf Al Qaadi, oo la hadlay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in ay uga baxeen fariisimihi ay ku lahaayeen xaafada Siigaale iyo agagaarka Dabka xeelad dagaal.

"Waxaan uga baxnay fariisimihi aanu ku laheyn Hodan, xeelad milatari, waan ognahay in halkaasi ay hada joogaan cadawga laakin dib ayaan ugu soo laaban doonaa" ayuu intaasi kusii daray.

Mar wax laga weydiiyey in ay Al Shabaab kala wareegtay Mowlacoodii ku yaalay Hodan ee Mowlaca Macalin Nuur ayaa waxa uu ku jawaabay" Micna buuran ma lahan in meel lagaa qabsado ama lala wareego sababtoo ah waxaa ka daran dadka masaakiinta ah ee dhimanaya".

Shalay ayaa ururka Al Shabaab waxa ay soo bandhigeen oo ay saxaafada soo tusiyeen Mowlaci Macalin Nur oo ay kala wareegeen Ahlu Sunna.

 

Diirad.com
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
Xafiiska Muqdisho

 

Written by Diirad News Desk-Somalia