| Al-shabbab Kismaayo Oo xabsiga u taxaabay Haween qaad ka ganacsanayay |
|
|
|
| Saturday, 28 August 2010 14:33 |
|
Saraakiisha ciidanka amaanka ee magaalada oo manta Saxaafada la hadlaayay ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen in howlgaladii ay ciidanka xisbada ay ku baacsanayeen Haweenka qaadka laga mamnuucay ay ku soo qab,qabteen Labo Haween ah kuwaasoo ay sarakiishu sheegen inay si qarsoodi ah ay qaad ugu gadayeen magaalada. Mas’uulyiinta ciidanka amaanka ayaa waxa ay sidoo kale ay sheegeen in howlgalada ay ku bartilmaamaysanyaan Dumarka qaadka,uu wali ka sii socon doono gudaha magaalada Kismaayo tan iyo inta ay ka tir,tiri doonaan Haweenka qaadka ka ganacsada. Isku soo wada,duduuboo howlgaladani aya waxa ay kusoo beegmayaan xili maamulka wilaayada al shabbab ee Kismaayo uu Haweenka ka mamnuucay ka ganacsiga qadka.
wararka xaqiiqda ah kala soco |
| Written by Al_shabbab_Kismaayo_Oo_xabsiga_u taxaabay_Haween |










Ayadoo maalmo un ka hor uu maamulka wilaayada islaamiga ah ee degmada Kismaayo uu shaaciyay in Haweenku aysan ka ganacsan karin Qaadka,ayaa waxa ay maanta ciidamada xisbada (amanka) ay soo qab,qabteen Duwamr la sheegay inay si qarsoodi ah qaad ugu iibijnayeen gudaha magalada Kismaayo.
Qeybi Maqaalkan