updated on:

Wednesday, February 1 2012

News   Warka  
Ethiopia:Dhawaan uma soo socono Somali PDF Print E-mail
Saturday, 28 August 2010 08:34

Bereket Simon Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Ethiopia ayaa beeniyey inay qorsheynayaan in mar kale Ciidamadadooda dib ugu soo diraan dalka soomaaliya si ay u caawiyaan ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM oo dagaalada ka dhan ah guuldaro ka soo gaartay.

Wasiirkan sidoo kale waxa uu beeniyey Ciidamada Dalka Itoobiya inay maalintii shalay gudaha u galeen deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan iyagoo ku wajahan Magaalada B/weyne ee Xarunta Gobolkaasi.

Ciidamada Itoobiya dhaqdhaqaaqyada wada waxa uu shegay wasiirka inay ku sugan yihiin dhulka Itoobiya ayna xaq u leeyihiin inay meel kasta oo dhulka Itoobiya ka mid ah tagi karaan, hase yeeshee gudaha u galin dalka Soomaaliya.

Ugu danbeyntii ciidamada Itoobiya oo hubaysan waxay shalay soo galeen Gobolka Hiiraan sida ay ku soo warameen dadka deegaanka Kalabeyrka oo qaarkood arkeen ciidamadaasi itoobiyaanka ah.

Diirad.com
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
Xafiiska Muqdisho


Written by Diirad News Desk-Somalia