|
Ahlu Sunah oo ka baxday Dagalka Muqdisho |
|
|
|
|
Saturday, 28 August 2010 08:20 |
|
Taliska ciidamada Milatargi dowlada KMGS ayaa shalay gelinki danbe geysay qaar ka mid ah ciidamadeeda fariisimo ay bilooyinki danbe joogeen dhalinyaro ka amar qaata Ahlu Sunna Waljamaaca. Fariisimahan ayaa ku yaala halka lagu magacaabo xaafada Siigaale ee degmada Hodan, iyo xaafadaha kasoo horjeeda ee degmada H/wadaag. Ciidamadaan oo shalay lagu qaaday baabuurta milatariga ayaa isla shalay waxaa halkaasi ku qabsaday dagaal cusulus ka dib marki ay weerar kusoo qaadeen dagaalyahanada Al Shabaab. Ahlu Sunna ayaa isaga soo baxay dagaalka marki ay u maara heli waayeen Al Shabaab oo laba jeer ka qabsatay fariisamahaasi oo u dhaw isgoyska Dabka. Dhinaca kalana waxaa maalinti shanaad hakad ku jira dhaq dhaqaaqa ganacsi ee Suuqa Bakaaraha oo ah halbowlaha dadka ku nool Muqdisho. Suuqa ayaa xirnaanshiyahiisa waxaa marki hore uu ka bilowday dagaalki hore ee ay Shabaabku iclaamiyeen, wixi markaasi ka danbeeyey waxa uu deris la noqday madaafiic. Waxaa iyana mudo ku dhaw todobaad xiran wadada isku xirto Dabka iyo Bakaaraha oo aheyd wadada kaliyah ee ay mari jireen baabuurta BL-ka iyo kuwa xamuulka ka keena Dekeda Muqdisho. Hada dhamaan gaadiidkaasi waxa ay maraan wadada Isgoyka Ex-koontarool Afgooye iyaga oo Bakaaraha uga talaaba Jidka Warshadaha.
Diirad.com
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
Xafiiska Muqdisho
|
|
Written by Diirad News Desk-Somalia
|