| Magaalada Kismaayo Oo tartankii Qur’anka kariimka Lagu soo gaba,gabeeyay |
|
|
|
| Friday, 27 August 2010 16:33 |
|
Xafladii laguso gab,gabeenayay tartankaasi oo ka dhacday Masaajidka weyn ee Xaaji Jaamaca ee magalada Kismaayo,ayaa waxa abaal marino kala duwan lagu gudoonsiiyay ardaydii kala gashay kaalimaha ugu horaysay ee ku tartamayay 30-jus ee Qur’anka. Mas’uulyiin ka socotay qaybta dacwada maamulka degmada Kismaayo aya waxa ay xafladasi ay abaal marino ay ku gudoonsiiyeen ardaydii kala gashay kaalimaha ugu horeeya,waxana mas’uulyiintaasi ka mid ahaa Sheikh C/raxiim Muuday oo ah madaxa xafiska dacawada Kismaayo. Waxaana munaasabadaai manta abaal marino kala duwan lagu gudoosiiyay ardaydii kala gashay kaalimaha ugu horaya ayaa waxaa xafladaasi lagu gudoonsiiyay abaal marinada kala ah Lacag iyo Kutubka qur’aanka kariimka,waxaana ay abaal marinahaasi ay u kala muhiimsanaayeen sida ay ardayda u kala horeeyaan. Maxamed Aadan Cigal waa ardaygii ugu horeyay ee galay kaalinta Koobaad ee tartanka waxaana uu abal marin uu u helay ($300 iyo Kutubka Qur’aanka kariimka) kaalilnta Labaad Waxaa galay Yacquub Bishar Guudow oo isna la gudoonsiiyay abal marin garaysa ($250 iyo kutubka Qur’aanka Kariimka) Cabdulaahi Yuusuf Xasan oo ah ardaygii galay kalinta Sadexaad na waxaa uu ku guulaystay abaal marin gaarayso $200 iyo Kutub Qur’aan ah. Ugu dambaytii waxaa sidoo kale abaal marino kuwa an kor ku soo xusnay ka yar l;agu gudoonsiiyay ardaydii ku kala xigay kuwa maanta guulaystay Gobbalada dalka Somalia ayaa marka lagaro Bisha Soon lagu qabtaa Tartan noo caan oo kale ah,Gobbalada kala Jubbooyinka,Gedo,Bay,Shabeelaha Hoose Sh/dhexe,Hiiraan iyo Banaadir ayaa iyaguna kamid ah meeklaha ay ka dhaceen tartanka noo can oo kala ah waxanaa ay tartamadasi ay yihiin kuwo lagu soo dhaweenayo Bisha Ramadaan.
wararka xaqiiqda ah kala soco |
| Written by Magalada_kismayo_oo_tartankii_Qu'raanka_lagu_soo_gabagabeyey |










Tartankii qur’anka kariimka ee lagu maamuusayay bisha barakaysan ee Ramadan ayaa waxaa manta lagu soo gaba,gabeeyay magalada Kismaayo ee xarunta jubbada hoose,ayadoona ay tartankaasi ka qaybqadanayeen 26-Dugsi qur’aan,oo ka mid ah dugsiyada magaalada Kismaayo.
Qeybi Maqaalkan