| Alshabab oo Qawaarij si layaableh u micneyay |
|
|
|
| Friday, 27 August 2010 13:18 |
|
Dhanka kale waxaa Afhayeenka waxlaga weydiiyay inuu micneeyo erayga Qawaarij iyo in ay iyaga haatan ku sifeysan yihiin Qawaarijtii uu sheegay Suubane Rasuulkeena, waxaana uu Sh.Cali Dheere uu arintaasa kusoo gaabshay in Qawaarijtu ay yihiin kuwa wax si fudud u gaaleeya hadana baneesta dhiiga Muslimiinta, hadaba hadalkaasi Afhayeenka kasoo yeeray ayaa noqonaya mid isburinaya marka loo eego gaaleysiinta masuuliyiinta ku jira dowladda KMG ah. Wadaadka ayaa isla barnaamijkaasi waxaa uu baaq u diray ganacsatada Soomaalida ee Hoteeladoodu ay jiifaan shaqsiyaadka dowladda ku legleh, waxaana uu yiri waa in ay joojiyaan ganacsatadaasi hadii kalese waxaa ay la kulmi doonaan cawaaqib xumo xun. Diirad News Desk This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it |
| Written by Diirad Desk |










Afhayeenka ururka Alshabab Sh. Cali Dhere oo maanta ka hadlayay barnaamijka hadalheynta todobaaka ee Jimco walba kabaxa idaacada Horn Afrik ayaa ka hadlay arimo dhowr ah oo ay ugu horeysay inuu dadweynaha dhageysanayo uu u micneeyo Jihaadka ay ku dhawaaqeen Bishan Barakeysan ee Ramadaan iyo sida ay isuwaafaqayaan diinta Islaamka, Wadaadka ayaa sheegay in Jihaadka ay Muqdisho kula jiraan ciidamada AMISOM uu yahay mid waajiba.
Qeybi Maqaalkan