| Safarka oo qalqal ku jira Shariif uu ku tagayo Kenya |
|
|
|
| Thursday, 26 August 2010 16:21 |
|
Munaasabadan ayaa berito waxaa la filayaa iney kasoo qeybgalaan Madaxweyneyaal ka kala socda Afrika iyadoo sidoo kale lafilayo inuu kasoo qeybgalo Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif. Hadaba waxaa su'aalo badan ay manta saxaafada dalka Kenya waxbadan iska weydiinayeen suuragalka uu kaga soo qeybgali karo Madaxweyne Shariif iyadoo uu ga'anyahay wada'dii halbowlaha u aheyd dowladda oo ay duulaan kusoo qaadeen ururka Alshabab oo kaabiga ku haya hada meel aan sidaa uga fogeyn wada'da Maka Al Mukarama. Diirad News Desk This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it |
| Written by Diirad Desk |










Xaflad weyn oo berito lagu qabanayo dalka Kenya, taas oo loogu dhaarindoono madaxda dalka dastuurka cusub ee ay dhawaan dadka Keenyaanka ah u codeeyeen,hadaba berito waxaa dastuurka ugu horeyn lagu dhaarin doonaa Madaxweynaha, Ra;iisulwasaaraha iyo kuxigeenkiisa.
Qeybi Maqaalkan