|
Wilaayada Kismaayo oo ka waramay dagalka Xamar |
|
|
|
|
Thursday, 26 August 2010 16:11 |
|
Isagoo manta warbaahinta la hadlayay Sheih Abukar Cali Aadan’oo ah Gudoomiyaha maamulka wilaayada gobbalada jubbooyinka ee xarakada mujaahidiinta Al shabbab ayaa waxa uu ka warbixiyay dagaaladii Sadexdii maalmood ee isdaba joogaa ahaa ka dhacayay magalada Muqdisho ee caasimada Somalia.
Gudoomiyaha wilaayada Jubbooyinka ‘Sheikh Abukar Cali Aadan’ayaa waxa uu sheegay inay la fakir yihiin oo ay taagayrsanyihiin ciidamada dagaalka kala soo horjeedo kuwa dowlada,waxana uu gudoomiyhu dadka ku dhaqan gobbalada jubbooyinka uu ugu baaqay inay ka qeyb qaataan naf iyo maal dagaalada kasoconayo dalka Somalia.
Sheikh Abukar’ayaa waxa uu carabka ku dhuftay in dagaalada Muqdisho kasoconayo ay gurmad iyo saanad malatari ay u diren hadana ay udirayaan.
Gabagabadii ayaa waxa uu dadka ku dhaqan gobbalada jubboyinka ka codsaday inay taakueeyeen oo ay wax taraan dadka ku waxyeeloobay iyo kuwa ku dhaawacmay dagaalada Sadexdii maalmood sida isdaba jooga ah oga soconayay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Somaaliya.
Hadalkan kasoo yeeray mas’uulka ugu sareeya maamullada gobbalada jubbooyinka ee Al-shabbab ayaa waxa uu imaanayaa xili maalmihii lasoo dhaafay ay dagalo isda jog ah ay ka dhacayeen magaalada Muqdsho kuwaasoo galaaftay noolasha dad rayid ah iyo barakaca boqolaal kale.
Warar xaqiiq ah kala soco Diirad.com
Diirad News Desk
|
|
Written by Diirad Desk
|