|
Magacyada Ragii isku qarxiyay Hotel Muna+Gobaladooda |
|
|
|
|
Thursday, 26 August 2010 14:50 |
|
Saxafada Maxaliga ayaa ogaatay magacyada dadki isku qarxiyey hotelka Muna ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo ay ku dhinteen33 ruux oo ay ku jireen Mudanayaal iyo Saraakiil ka tirsan taliska Ciidamada dowlada KMG ah . Waxaa Hotelka galay oo isku qarxiyay Labo wiil oo lagu kala magacaabayay C/llaahi Xasan Cabdulle (Cadaawe) iyo wiil magaciisa lagu soo gaabiyey Xuseen Yare .
dhalinyaradani naftooda is dhaafisay ayaa waxa ay ka soo kala jeedaan C/llaahi Cadaawe =degmada Ceelbuur Xuseen Yare =Gobolka Baay.
Labadani nin ayaa mas,uul ka ahaa dhimashada 33 ruux oo isugu jiray xildhibaano, iyo dad kale oo rayid ah kuwaas oo degenaa Hotelka Muna ee degmada Xamar Weyne magaalada Muqdisho.
Weerarkaasi waxaa cambaareeyey Dhamaan madaxda Caalmaka intooda badan iyo culimada Soomaaliyeed, waxaana uu ahaa kii ugu horeeyey oo noocisa oo kale ah oo lagu dilo Soomaali xilli bil ramadaan lagu jiro .
Diirad.com
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
Xafiiska Muqdisho
|
|
Written by Diirad News Desk-Somalia
|