|
Shabab oo Ex-Koontarool Afgoye qabsan garaay |
|
|
|
|
Thursday, 26 August 2010 07:48 |
|
Xalay abaaro 11 habenimo ayaa waxa ay Al-Shabab weerar culus ku qaadeen barta koontarool ee Ex Koontarool Afgooye oo haatan fariisin u ah ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliiya .
Al-shabab ayaa weerarkani gaadmada ahaa waxa ay ka soo qadeenn Dhanka Deegaanka Tree Disho ama Km 13 halkaaasi oo ay ku leeyihiin saldhiga ugu balaaran degaanada loo barakacay .
Jamaal Aadan oo ka mid ah dadka deeegaanka Garasbaaley ayaa Diirad u xaqiijiyay in xalay dhamaan dadka deegankaasi lagu amray in ay xiraan goobaha ganacsigooda isla markaana matoorada leerka dadka sii nayay ku amreen in la damiyo madama ay weerar ku qaadi rabeen ciidada Dowlada ee Ex Koontarool Afgooye .
Waxaan in dhahega ku arkay dhalinayro farabadan oo aad u hubeesneed oo socd ku maraya laamiga dheer ee taga Ex Koontarool 20 daqiiqo kadib waxaan maqalnay daryan aad u xoog badnaa oo aan ku qiyasay qoriga Baasuukaha oo looga naxsaday Askarta Dowlada kadina rasaasta ayaa halmar isqabsatay " Jamaal
Dagaalkani oo socday mudo 1 saac ah ayaa waxaa dib u soo laabtay ciidamada shabab kuwa dowladana waxa ay saaka baaritaano culus ka wadaan gaadiidka isticmaala wadadaasi kuwaasi oo la sheegayo in ay la dageen rag ay uga shakiyeen in ay kamid yihiin shabab .
Ugu danbeyntii waxaa halis galay ama burburay Hishiis hoosaad ay ku jireen Dadka isticmala wadaasi iyo Al-shabab kuwaasi oo horay ugu balamay in aysan shabab weerar ku qaadin ciidamada Ex Koontarool madama ay wadaasi si nabad ah ku isticmaala wiliba ay wiliba maraan rag ka tirsan Shabab oo hubeesan isla markaana aanan la baarin lakiin hada waxaa socda baaritaan sab af oo lagu haya gawaarida ka timata Ceelasha biyaha iyo Tree disho .
|
|
Written by Diirad News Desk-Somalia
|