updated on:

Wednesday, February 1 2012

News   Warka  
Muqdisho oo saaka dagan + abaabul dagaal PDF Print E-mail
Thursday, 26 August 2010 07:26

Saaka magalada Muqdisho waxaa laga dareemayaa xaalad daganaasho ah oo aan sidaa u sii buurneen maadaama ay dhinacyadii dagalamayay ay isku hor fadhiyaan goobihii dagaalka .

Degmooyinka Hodon, Howlwadaag, Boondheere, Shibis iyo C/casiis oo saddexdii maalin la soo dhaafay ka socdeen dagaalo culus ayaa saaka waxaa laga maqlayaa rasaas goos goos ah oo ay is dhaafsanayaan ciidamada isaga soo horjeeda degmooyinkaasi.

Dadka rayidka ah ee ku nool degmooyinka dagaalada culus ka socdaan waxay bilaabeen inay barakacaan kadib saaka ay nafis u haleen in ay naftooda kala cararaan goobaha dagaalka .

Si kastaba ha ahaatee Saaka waxaa socda abaabulo xoogan iyo dhaawax gurasho ay sameenayaa labada dhinac ee ku hardamay Xukunka somaliya .

 

 

Written by Diirad News Desk-Somalia