|
Dagaal hatan ka socdo Muqdisho |
|
|
|
|
Written by Diirad News Desk-Somalia
|
|
Wednesday, 10 March 2010 07:39 |
|
Dagaalo cusulus ayaa saakay aroortii ilaa iyo hada ka socdo Magaalada Muqdisho kuwaas oo u dhaxeeya mucaaradka iyo dowlada.
Dagaalada oo ah kuwo aad u culus ayaa waxa ay ka socdaan qeybo ka mid ah degmooyinka Shibis iyo C/casiis ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho iyadoo dagaalada ay bar bar socdaan madaafiic culus oo ku hoobaneyso goobaha dagaalada iyo meelo ka baxsan.
Sida ay xaqijinayaan goob joogayaasha dagaalka ayaa waxa uu xoogiisa ka socdaa agagaarka Hotel Global iyo duleedka bari ee degmada C/casiis waxaana soo baxaya warar sheegaya in ay horay usoo sikadeen kooxaha mucaaradka.
Lama oga qasaaraha dhabta ah ee dagaalada oo wali ka socdo goobihi ay ka bilowdeen,sida ay sheegayaan wararka waxaa jira qasaare soo kala gaaray labada dhinac hase yeeshee ma cada wali inta uu gaarsiisanyahay.
Dadka fara ku tiriska ahaa ee ku noolaa degmooyinka Shibis iyo C/casiis ee Magaalada Muqdisho ayaa ka cararay oo cagahooda kaga soo baxsaday dagaalka inkastoo ay jiraan qaar badan oo kasoo bixi waayey goobta.
Ma jirto cid ka hadashay dagaalka oo ah labada dhinac ee ay dirirtu u dhaxeyso waxaase laga yaabaa in ay saxaafada war siiyaan.
|