updated on:

Wednesday, April 11 2012

News   Wareysiyo  
Shabab o bilaabay in uu la hadlo Odayasha PDF Print E-mail
Monday, 03 October 2011 07:12

Al Shababka Gobolka Gedo ayaa waxa ay ugu baaqayn Odoyaal dhaqameydyada Gobolkaasi inay Dhalinyaradooda ay kasoo saaraan Ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya ee halkaasi ku sugan .

Kulan ay ku yeesheyn Gobolka Gedo Maamulka  al-Shabab iyo Odoyaal dhaqameydyo kasoo jeeda Gobolkaasi ayaa looga  hadlayay Sidii Ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya Gaaar’ahaan kuwa kasoo Jeeda Gedo looga soo saari lahaa Ciidamada Dowlada islamarkaana loogu biirin lahaa dagaalyahanada al-Shabab ee dagaalada kula jira ciidamada Dowlada eek u sugan ee gobolkaasi.

Gudoomiyaha maamulka al-Shabab ee Gobolka Gedo Shiikh Cabaas C/laahi C/raxmaan oo kulankaasi ka hadlay ayaa waxa uu odoyaasha ka dalbaday in Sida ugu dhaqsiyaha badan ay ugu istaagaan arintaan ku aadan ragaan kasoo jeeda Deegaano hoostaga Gobolka gedo haatan ku jira Ciidamada DKMG ah ee soomaaliya si degdeg ah ay ugu soo saaraan ciidamadaasi oo uu xusay inay ku soo tababarteyn dalalka Kenya iyo Ethiopia oo xuduud la leh soomaaliya

Odoyaashii ka qeybgalay kulankaasi uu soo abaabulay maamulka al-Shabab oo wax war oo ku aadan in ay aqbalayn amaba ay kasoo horjeysteyn awaamiirta kasoo baxday al-Shabab oo ku aadanaa in ciidamada Dowlada Ee haatan ku sugan qeybo kamid ah gobolka gedo laga soo saaro askarta u dhalatay ayaa la sheegay inay aqbalayn Sida ay warbaahinta u Sheegayn Sarakiisha ugu qeybgashay al-Shabab kulankaasi wallow ilaa iyo hada  aan la heynin Oday dhaqameyd ka hadlay amarkaasi

Ciidamo aad u farabadan oo ka tirsan kuwa dowlada kuna soo tababartay dalalka Kenya iyo Ethiopia ayaa dhowr biloodka hor waxa ay gaarayn qeyb kamid ah gobolkaasi iyadoo markii ay soo galayeen dagaalo kulul kala kulmay dagaalyahano kuwa al-shabab hase yeeshee dagaal kadib ayaa dowlada waxa u suura gashay in Gacanta ay usoo gasho  degmooyin kamid ah Gedo.

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Written by Diirad News Desk-Somalia