updated on:

Wednesday, April 11 2012

News   Wareysiyo  
Dagaalo saakay ka dhacay Muqdisho PDF Print E-mail
Wednesday, 29 December 2010 07:20

Dagaalo qaraar ayaa saakay ka dhacay magaalada deegaanada waqooyi iyo kuwa bartamaha magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.

Dagaaladaan oo u dhaxeeyey Al Shabaab iyo ciidamada dowlada oo kaashanaya kuwa AMISO ayaa waxa ay ka kala dhaceen deegaanada Boondheere, C/casiis, Hodan iyo Howlwadaag.

Inta la ogyahay 3 ruux ayaa ku geeriyootay 7 kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray marki madaafiic lagu garaacay saakay Suuqa Bakaaraha iyo xaafadaha deriska la ah, iyadoo dadka dhaawacmayna la geeyey cisbitaalada.

Wali waxaa laga maqlayaa goobaha dagaalka gaar ahaan Hodan iyo H/wadaag daryanka madaafiicda iyo rasaasta yar yar.

Dagaalkan ayaa ka danbeeyey ka gadaal marki ururka Al Shabaab ay weerar gaadma ah ku qaadeen fariisimaha AMISOM ay ku leeyihiin deeganada Hodan iyo H/wadaag ee magaalada Muqdisho.

Written by Diirad News Desk-Somalia