| Danis Alax oo wali nool |
|
|
|
| Wednesday, 29 December 2010 07:00 |
|
Hey'ada Muqaabaraadka dalka Faransiiska ayaa ogaatay in uu wali noolyahay Danis Alex oo ah sarkaal Faransiis ah oo mudo ka badan hal sano gacanta ugu jiro ururka Al Shabaab ee ka dagaalama dalka Soomaaliya. Sarkaal u hadlay sirdoonka ayaa sheegay in Shabaab aysan dilin Mr Alex isla markaana ay heleen xog ku saabsan in wali lagu hayo qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya. Laheystahan oo ah la taliye dhinaca amaanka ah ayaa hase yeeshee aanan wali laga warheyn xaaladiisa caafimaadka iyo goobta rasmiga ah ee lagu hayo, balse sirdoonka ayaa ka shakisan in lagu hayo Puntland. Alex iyo saaxibkii ayaa sanadki 2009 laga qafaashay hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho, waxaana labadooda kala qaatay ururki burburay ee Xisbul Islaam iyo Al Shabaab, Xisbul Islaam iyagu madax furasho ay isku qiyaameen ayey siisteen halka Shabaab ay wali hayaan. |
| Written by Diirad News Desk-Somalia |









Qeybi Maqaalkan