updated on:

Wednesday, February 1 2012

News   Maqaallo  
Ma u malaynaysaa inaad tahay ka keliya ee dalkaaga ka dhigi kara dalka ugu hormarsan dunida PDF Print E-mail

Assalaamu calaykum waraxmatullaahi wa barakaatuhuu bacda salaam . Ramadaan kariim Allaahna haynaga aqbalo kheyrka bisha barkaysan ee ramdaan dhamaan umada islaamka ahna waxaan leeyahay (kulu caam wa antum bikheyr}. Ka dib waxaa mahad leh Eebe weyne {sw} kaasoo ii suurta geliyey inaan maqaalkan idiin soo gudbiyo mahadaa Allaah ka dib waxaa mahad iska leh webmasterka ogolaaday inuu dadweynaha u tebiyo. Ka dib waxaa mahad leh qof walba oo akhrista maqaalkan. Intaa ka dib

Hadii aynu maqaalkan hoos u guda galo waxaynu ku soo qaadanaynaa inan arday ah oo hurumar wey u keenay dalkiisa oo maanta ka mid ah wadamada dunida ugu hormarsan dalkaasina waa dalka Japan bal aynu eegno inankaasi sida uu u keenay horumar.

Waxaa jirtay inuu wadanka Japan ahaa wadan aad u faqri ah oo ay ku nool yihiin dad dan yar ah, wadanka Japan wuxuu ahaa mid aad u burbursan laguna tiriyo wadamada ugu liitay waqtigaa dunida . hadaba madaxweeynihii qarnigii 18aad xukumayey dalka Japan ayaa wuxuu diray 200 oo inan oo uu u kala diray wadamada Yurub, America iyo wadmo badan oo islaam ah , labadaa boqol ee inan waxaa ka mid ahaa nin iminka caan ka ah wadanka Japan oo la oran karo isaga ayaa gaadhsiiyey heerkan uu maanta joogo wadanka Japan, inankaas wuxuu dhamaystey dugsiga sare dabadeedna wuxuu ka mid noqday ardayda loo diray wadanka Mareykanka si uu soo barto cilmiga lagu hayo dalkaasi, ka dib inankii wuu tegay isagoo xambaarsan hami ah wadankaaga horumar la taaban karo u samee wuxuuna u safray xagaa iyo Mareykanka wuxuuna u socday inuu jaamacad galo laakiin jaamacadii markuu eegay wuxuu u maleeyey inay tahay waqti lumis oo uu sanawaad uun fadhiyayo wax midho ahna aanu ka dhalinayn, dabadeedna jaamcadii wuu ka kaaftoomay wuxuuna tegay wershad samysa {iron) biraha. wershedaas ayuu ka shaqaynayey mudo ilaa uu bartay sida loo shiilo biraha. ka dib markuu bartay inankii ayaa wuxuu isku deyay inuu furfuro mushiinada dhaliya dabka {electric} ka dib inankii wuu furfuray isagoo u kala dhig dhigay bool iyo bool ka dib dib ayuu isugu xidhay wuu istaadhay mise waa caadi wuu shaqaynayaa . halkaa markay maraysay ayuu inankii dib u fur furay wuxuuna shiilay bool walba iyo bir kasta oo uu ka koobnaa mishiinkaasi isagoo ka cabir qaadanaya mishiinka u furfuran . markuu intaas sameeyey ayuu dalkiisii oo Japan ahaa ku soo laabtay isagoo sita qalabkii uu gacantiisa ku soo samaystay ka dib inankii wuu xidhxidhay intaanu mishiinkii shidin ayaa madaxweynaa dalka loo sheegay dabadeed wuxuu yiri madaxweynuhu u yeedha inankaa . laakiin inankii wuxuu yiri madaxweynaa waxaad u sheegtaan inaanan u tegayn ilaa aan istaadho mishiin ay dhinaca kaga qoran tahay Made in Jaban . inankii saasuu ku istaadhey dabdeedna madaxweynii ayaa maal geliyey inankii. inankiina wuxuu sameeyey mishiinada caalamka kala haga kuwooda ugu badan wadanka Japan wuxuu ka dhigay wadamada ugu hormarsan xaga Technology ga caalamka oo dhan. Lana oran karo Japan wuxuu ku horumaray hamiga wiilkaasi.


Gebagebo: Hadba akhriste aynu isku dayno sidaynu u qaadi lahayn hami ah wadankeena horumariya, cilmi iyo horumarna inaga wuxuu inoogu qoran yahay kitaabkeena kariimka ah ee aynu ku dedaalo barashadiisa.


Wixii khaldaad aan galay iiga cudur daara waad mahadsan tahay akhriste meelwalbaad joogto

Mohamed Hussein Mohamed {Farjar}
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Written by Diirad Desk