| Islaamnimada Iyo Europeanimadu Ma Is Diidayaan??? |
|
|
|
|
Waxaa dad badan oo Muslimiin ah oo ku nool dalalka loo yaqaano Reer Galbeedka dhib ka haystaa ku noolaanshaha wadamadaan ay usoo haajireen badankoodu, siyaabo kala duwan haba u yimaadaane, taasoo dooda badan ka dhalisay gudaha jaaliyadaha Muslimka ah ee ku nool dalalkaas iyo hoggaanka isbedbedela ee waddamada soomara haddii si kale loo dhigana qawaaniinta u degsan. Guud ahaan tirada Muslimiinta ku nool dalalka westreenka ama reer Galbeedka waxaa lagu tilmaamaa in ka badan 70 Million kuwaasoo ku kala firdoonsan dalalka dhaca qaaradda Europe iyo Mareykanka,Canada, Australia iyo New Zealand, tira koobkaasna waa mid qiyaas ah ee maa ahan mid la dhihi karo waa dhab waase kan ugu dhow, waxaana la sheegaa in dalalkaas ay tirada ugu badan ee Muslimiintu ku noolyihiin uu yahay Dalka Fransiiska oo tirada ku nool gaareyso 6-7 Million. Haddaba Muslimiintaas ku nool dalalka Reer Galbeedka waxaa la sheegaa in ay siyaabo kale duwan iyo gooro kala duwan ay soo gaareen Dalalkaas, iyadoo aan meesha laga saarin in qaarkood ay ka hareen xilligii Muslimiinta dib looga riixay dhulweynihii Andulus ee Islaamku xukumayey muddo ka badan 600 sano hase ahaaatee ugu dambayntii, dib loogu celiyey dalalkii asal ahaan ay kasoo duuleen oo Morocco iyo Tunis ugu dhawaayeen, waxaana islaamku xilligaas si weyn ugu faafay dalalka haatan loo yaqaan Spain, Portugal iyo Qaybo kamid ah Dalka France. Wixii xilligaas ka dambeeyey waxaa Dalalka Europe soo maray Dagaalo sokeeye oo lagu riiqmay waxayse dagaaladaasi ugu dambayn ka dhaxleen caqliyad ah war aan wax wada qabsanno aanna baabi’inno cadaawada ina dhex taala maadaama uu jiro cadow aan anaga ahayn oo na eegaanaya, waxayna arrimohooda u bedeleen iskaashi iyo midow dhex mara, taasina waxa ay suurta gelisay Midnimada iyo Horuumarka haatan ay harsanaayaan Dalalka reer Galbeedku. Tan iyo intii Muslimiintu usoo haajireen Dalalka Reer Galbeedka waxaa maskaxdooda ka guuxayey taariikhihii soo dhex maray Quwadihii Muslimiinta ahaa iyo kuwii kaga duwanaa xagga diimaha, taasina waxa ay mar walba Muslimiinta gelinaysay gees isu riixid iyo in ay si uun uga duwan yihiin dadka ku nool hoyga cusub ee ay soo degeen, waxaana isku dayyo fara badan kadib suurta gashay in Muslimiintii qaar lagu qanciyo in ay yihiin Muwaadiniin lamid ah kuwa ay u yimaadeen isla maarkaana ay u siman yihiin Waajibaadka iyo Xuquuqda Muwaadinka ee Dalka, dastuurkuna aanuu aqoon kala sooc haba jiraano meelaha qaar dalal ay Qawaaniintooda kamid ahayd nacayb ka dhan ah Muslimiinta, waxaana dhacay waxoogaa is dhaxgal ah wallow uu isugu jiray wanaag iyo xumaan wada socda, waayo waa tii horey loogu maahmaahay deriskaagu sida uu yahay ayuu kaa dhigaa. Muslimiinta soo haajiray ayaa u badan kuwa ka yimid dalalka dhaqaale ahaan hooseeya waxaana u badnaa kuwa ka yimid Dalalka India,Pakistaan, Bangaladesh, Indonosia, Somalia, Algeria, Marocco, Turkey iyo kuwa kale, waxaana qaar badan ay aqbaleen in ay dadka ay u yimaadeen ay la qaybsadaaan dhib iyo dheef wixii dalka yaal, wallow qaar badan ay ka biyadiideen, iskuna dayeen in ay xajistaan dhaqankii ay kala yimaadeen dalalkii hooyo si aanuu u qaadin daadka Ilbaxnimada lagu dheehanyahay ee ka socota dalalka reer Galbeedka, iyadoo qodobada la isku maari waayo inta badan ay noqdaan kuwa u cuntami waaya Muslimiinta taasoo ka dhalata in Diin ahaan ay ku xiran yihiin waxyaabaha Islaamku faro iyo waxa uu ka reebo, ee aanay ahayn waxa ku qoran dastuurka u yaala dalka ay yimaadeen ama dhaqanka Bulshada ay kusoo biireen. Aqoonyahanno badan oo Muslimiin ah ayaa ku bixiyey dadaal aad u badan in bulshada laga saaro gooni u taagnaashaha lana helo is dhex gal wax tar u leh Bulshada islaamka ah, lagana shaqeeyo sidii loogusii gogol xaari lahaa Jiilka 2-aad,3-aad iyo 4-raad eek u dhalanaya Dalalka reer Galbeedka sidii majaraha loogu qaban lahaa isla markaana loogu barbarian lahaa sidii ay u noqon lahaayeen Reer Galbeed wata Caqliyad Islaami ah isla maarkaana aan dareemin kalinimadii ay dareemayeen awoowayaashooda xilligii ay imaaanayeen Dalalka ay haatan ku korayaan, isla markaana aanay marti ka ahaanin una diyaar garoobaan sidii ay caqliyadooda ku dheehan Islaamnimada iyo Reer galbeedka ay ugu hoggaamin lahaayeen dalalka ay ku dhasheen ama ay yimaadeen iyagoo aad u yaryar. Tariq Ramadan waa mid kamid ah dhalinta ku dhalataay Dalalka Europe gaar ahaan Dalka Switzerland oo ay aabayaashiis soo caga dhigteen xilliyadii 60’s iyagoo kasoo cararayey Gumaadkii Hoggaamiyihii Masar ee Xilligaas Gamal Abdunasir ku hayey Jamaacada Akhwaanul Muslimiin (Muslim Brotherhood), waxa uuna waxbarashiisa ku qaatay Dalka Switzerland, isagoo haatan macalin aan joogto ahayn ka ah Jaamacadaha ugu sareeya Dalalka Reer Galbeedka qaar, waxa uuna kamid yahay dadka laga tala geliyo Arrimaha Muslimiinta marka lagu qaadaa dhigayo dalalka Galbeedka, waxa uuna Tariq mar walba uu xoogga saaraa in Muslimiintu aanay isu dareemin in laga leeyahay Dalaka ay yimaadeen oo ay qaateen deganaashahooda amaba jinsiyadooda, isagoo mar walba ku celceliya in dhalintu ahaato kuwa ka maskax duwan waalidiinta ka yimid Dalalka Bariga Dhexe, K/Asia ama Africa. Kadib markii ay dheceen falal argagax geliyey Muslimiinta 10-kii sano ee u dambeysay waxaa batay culays iyo Cadaadis kaga imanaya Dowladaha ay ku noolyihiin, iyadoo la doonayo in ay is bedel sameeyaaan kaasoo iyaguna ay u fahman in uu yahay dagaal abaabulan oo lagusoo qaadayo, waxaaana badanaa dhacda in aysan ula falgelin sidii la rabay taasoo ay ka dhashaaan fal celis aan lamahadin dhamaadkiisa, waxaana loo aaneeyaa iyadoo Muslimiintu aanay mideyn aaragtidooda kuwajahan Mustaqbalka Dalka ay joogaan, Horumarintiisa, Jacaylkiisa, Difaaciisa haddii weeraar kaga yimaado gudaha iyo dibadda, taasoo ay tahay tan ay doonaayaan dowladaaha Muslimiintaas marti geliyey Muslimiintuna waxa ay ka gows aadeegeen dhow qodob oo kamid ah kuwa aan soo sheegnay, qaarkood waxay u arkeen in ay dhaawac gaarsiin karto Islaamnimadooda qaarna waxa ay ka hor imaanayaan dhaqamadii ay la yimaadeen. Kooxo badan oo Muslimiin ah ayaa si wanaagsan ugu adeega Jaaliyadaha Muslimiinta ah ee Dalalka Reer galbeedka, iyagoo mar walba isku daya in ay u jeheeyaan si wanaagsan hoggaankana u qabtaaan si aysan u qaadan is dhexgalka aan habooneyn, waxaase jira qaar kale oo iyana la taagan taas mid kasoo horjeedda kuna baaqaya in dib looga noqdo dalalkaan, dagaalna lagu iclaamiyo, iyagoo iska indhatiraya Waaqaca jira kana been sheegaya Islaamka Dhabta ah iyo fariintiisa ee loo baahanyahay in ay bulshada Muslimiinta ah gudbiyaan,taas bedelkeedase waxa ay qaateen khadka kale oo abuuraya Nacayb loo qaado Reer Galbeedka ugu dambayna dib ugusoo laaabta Muslimiinta, waxaana aad u badan dadka aalaaba dhegaahoodu u daloolaan fikirka dib uga noqoshada Westiga ama Galbeedka, iyadoo dalalkii loo noqon laahaana dab ka balbalayo ama aanay waxba iska bedelin sidii ay ugasoo tegeen markii hore. Haddii aan Tusaale usoo qaadanno Soomaalida waxa alagu tilmamaa in ay guud aahaan aanay ka yareen joogitaankooda Dalalka Westiga 1Million, waxaana tirade ugu badan joogaan Dalalka Mareykanka, Ingriiska iyo Australia, iyagoo lagu tilmaamo Mujtamaca ugu badan ee Muslimiinta ah ee marka ay yimaadaan aan ka tegin (baalin)diintooda hase ahaaatee dhaqan ahaan badalma weliba dhinaca khaldan u milma, waxaana yar in ay wax saameyn xagga siyaasadda ah ku yeesheen dalalka ay joogaan, iyagoo aan ka gaarin xittaa manaaasibta lagu helo degaaanada marka ay timaado Arrimaha doorashooyinku. Degaaanada Somalidu ku badantahay aad la isuguma haaleeyo waxaana dadka kasoo baxa degaanadaaas ay ku celceliyaan in aan Soomaalidu ku baraarugsanayn ka qaybqaadashada Nolosha siyaasadda ee aalaaba dhib iyo nacfi la yimaada, waxaana taas loo aanaynayaa Hoggaamiyayaasha Jaaliyadaha iyo Ururada Bulshada rayidka ah oo ka gaabiyey wacyi gelinta Bulshada iyo dhiiri gelin la’aanta Dowladdaha oo u arka Soomaalidu in ay yihiin dad halkaaan u yimid Welfare ama Cayr, waxaana inta badan Soomaalida ay kuus heegayaaan in aysan doonayn in ay taageeraan Axsaabta ama Musharixiinta Xaafadahooda iskasoo taaga Doorashooyinka xittaa haddii ay yihiin Muslimiin, waxa ayna sabab ka dhigtaan maxaan ka helayaa amaba waa gaal ee ma gaal ayaan taageerayaa, waana faham qaldan oo runtii u baahan in la soco kana yimid qaar Wadaaddo sheegad ah hase ahaatee Islaamku beri ka yahay. Lasoco Qaybo kale W/Q: Abdurahman Sheikh Hassan Gacal (Azhary) London, United Kingdom Email. This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
|
| Written by Diirad Desk |










Qeybi Maqaalkan