updated on:

Wednesday, February 1 2012

News   Maqaallo  
Soomaalidu ma bulsho abaal daranaa? PDF Print E-mail

Qore: Xassan Xayle

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Bulshada Soomaliyeed haddii, NAFSI * ahaan, baaritaan iyo daraasad lagu sameeyo, waxaa soo baxay inay leedahay xaalado dhawaar ah oo qaar ka mid ah ay bulshadu aqoonsantahay, qaar kalena ay ogaan karaan, oo kaliye, ciddii raad raac iyo baaritaan ku sameeyada.

Waxaa la ogsoonahay dadka Soomaaliyeed intooda badan inay ahayen, ilaa iyo muddo dheer, xoolo dhaqato marba u guura meeshii ay daaq iyo biyo uga helaaan xoolahooda, noloshooduna tahay mid aad u qalafsan oo ka maran jiljileec iyo dabacasanaan.  Nolool aan dhiiri galineyn qofkii sabar iyo sariig leh, ama aan dooneyn inuu ficil iyo cudud wax kula qeybsado ciddii ay wax isku qabtaan.

Nolosha sidaas ah waxay soo saartay bulsho isla weyn, si aad ahna u qalafsan, oo u diidan in xubnaha ka tirsan, rag iyo dumar, aysan, xitta, isu muujin karin iilasho iyo cadifad jaceell, taaso loo arko inay ceeb iyo dhag xumu tahay!

Bulsho qalafsan oo dagaal iyo hertan ka doorbidda garasho iyo inay wadahadal ku xaliyaan waxii mashaakil ka dhexeeya.  Bulshu ku sugan marxalad qabiilku ka horeeyo wax kasta, - xitta ha haddii ay noqoto diinta ama dareen wadaniyad.  Waxa ugu horeeya ee loo riyaaqo ama leyskuna uruusado ay tahay reer hebel iyo aragti gaaban oo ku kooban ‘ANAANIYAD QABIIL’.

Xaaladda sidaas ah waa arrin, sida uu caalimka weyn ee loo aqoonsaday inuu yahay assaasaha Cilmiga Bulshada IBNU KHALDUUN ku tilmaamay inay tahay astaan ay leedahay bulshooyinka badawga ah ee ku shaqeeyay caqliyada reerka iyo ficilka qabyaaladda, Al Casabiyah AlQabaliya. Waxaan shaki laheyn in bulshada noocaas ah aysan weli diyaar u noqon inay ka gudubto caqliyadda ciriiriga ah ee qabyaladda, ayna u baahantahay, si loo badalo dhaqankaas, aqoon, wacyi iyo dhismo nolo xadaari ah.

Haddii aan xaqiiqadaas ka iftiin qaadano, anagoo dib u fiirino xaaladda murugasan ee dalka ka taagan ilaa iyo markii ay burburtay dowladdii Soomaliyeed, sanadkii 1991, iyo dadaalkii isdaba jooga ahaa ee lagu raadinayay in xal waara loo helo dhibaatada bulsho iyo siyaasadeed ee hurisay dagaalka sokeeye, waxaa jira wadamo iyo shaqsiyaad muujiyay inay si dacaad iyo hagar la’aan ah u doonayn in Soomaaliya ay nabadu kusoo noqoto.  Dalalka sidaa yeelay waxaa ka mid ah Masar oo sanadkii 1997-dii, marti galiday shir weyne ay Soomaalidu isgu timid dib-u-heshiin iyo dhismo dawladnimo qaran. Waxaa dadka arrimaha Soomaaliya la socda ay ku tilmaamaan natiijadii shirkaas ka soo baxday inay ahayd, hindise ahaan xagga dawlad qeybsiga, tii ugu fiicneyd ee abid ay Soomalidu gaarto.  Waxii shirar kaas ka danbeyayna waxa uu noqotay mid laga tusaale qaato.

Waxaa klae oo ka mid ah dawladaha muujiyay dadaalka nuucaas ah dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti. Uma baahna sharaxaad badan inaan ka bixiyo sida ay madaxda iyo shacbiga reer Jabuuti, ilaa iyo dhicitaankii dawladdii Soomaaliyeed, ay si walaaltinimo buuxda ah iyo dhiiri-galin joogto ah ay ula garab istaageyn walaalhood Soomaaliyeed, iyagoo doonaya in ay nabadi kusoo noqoto, dibna loo dhiso qarankii iyo midnimadii ummadda Soomaaliyeed.

Xaalka oo sidaas ah, ayaad waxaad la kulmeysaa dad, ama qaar ka

mid ah bulshada oo canbaareyn iyo caro u haya reer Jabuuti!

Waxaa iyana jirta qaar lagu sheegayo inay ka mid ‘AQOON-YAH-

ANKA’ Soomaliyeed ama lagu sheegi karo inay yihiin horseedka

aqaano yahanka; kuwaaso WEBSITE-yada Soomalidu aqrisato

Kusoo bandhiga maqaalo ay ku muujinayaa fikradooda ku aadan

arrimaha dalka, ha yeeshee maqaaladu xanbaarsanyihiin

DHALEECEEN wax lagu dumiyo, kana baxsan ‘MANHAJKA’

iyo qaabka wax loo naqdiyo ama dhaliisha loo jeediyo!


Qaarkood waxay wakiilka gaarka ah ee Xog-hayaha QM ee Soomaalia, Axamadu Walad Cabdalla ay si cad ugu tilmaameyn inuu arrimaha Soomalida cidla ku wado, Beesha Caalmkana uu marin-habaabinayo, iyagoo isla markaana aan tusaaleyn ama sheegin fikrad wax ku ool ah ee qancin karta aqaristaha maqaaladooda.

Ololaha lagu hayo Walad Cabdalla waxuu ku xasuusinayaa xag-xagashadii ay qaar isku sheegaya inay yihiin siyaasiyiin Soomaliyeed ay kula kaceen wakiilkii gaarka ahaa ee X0g-hayihii hore ee QM, Butris Qaali ee u xil saarnaa arrimaha Soomaliya sanadkii 1992, kasoo ahaa Safiirka Aljeeriya, Moxamed Saxnuun.

Siyaasiyiintaa Soomaaliyeed oo u badnaa raggii ku jiray nidaamkii Jeneraal Maxamed Siyaad, waxay dicaad joogta ah la daba galeyn dadaalkii uu Saxnuun ku doonayay in wax looga qabto xaaladda Soomaaliya ee waayahaas.

Waxaan shaki lahayn in Walad Cabdalla arrinta ka haysata kooxda sheeganaysa AQOONTA ay la mid tahay tii lagu hayn jiray Moxamed Saxnuun, hayeeshee aysan ahayn dhaliil wax toosin ku wajahan!

Dalka Masar oo door fiican ku lahaa, laguna tilmaamo inuu ahaa wadanka kowaad ee Soomaaliya gacan ku siiyay, ka bixitaanka gomeysiga iyo dhalashada qaran Soomaaliyeed oo awood ku leh Geeska Afrika, waxaa loogu abaal guday in laga doorto qorshaha Itoobiya, lagana xirto albaabka si aysan talo ugu yeelan arrimaha Soomaaliya!

Sida dhacday, ila iyo waqtigaas, Masaridu waxay ka gaabsatay arrimaha murugsan ee Soomaalyeed; waxayna ku ekaysatay, oo kaliya, sugitaan iyo inay xaaladda dush kala socoto.

Runtii, waxaan in badan ka fakaray, haddii laga tago xaaladda siyaasadeed, sababata ay bulshada Soomaaliyeed intaada badan ay u qadarin la’dahay ama aysan u qiimeyn shaqsiyaadka, raga iyo dumar, dalka iyo dadka wax dheeraad ah u tara ama wax muuqda ah ku kordhiya nolosha iyo horumarka bulshada!

Sida la ogyahay, waxaa jira shaqsiyaad Soomaaliyeed oo qaar iyaga la mid ah, ama xittaa ka heer hoosseeya lakiin u dhashay wadama kale ay bulshooyinkoodu gaarsiiyeen heer caalmka laga barto.

Way dhici-kartaa in dad badan ay aqoon yarida ku baasan bulshada ay sabab uga dhigaan arrinta, lakiin maxaa sabab looga dhigi karaan in dadka Soomaaliyeed, intooda badan ay ka muuqato inay noloshooda ka maqantahay dooq iyo xamaasad badan?!!

Waxaa shaki lahayn inuu mawduuci u baahanyahay in meelo badan laga fiiriyo, hayeeshee haddii aan u noqodo su’aasha maqaalkan, waxaan rumeysanaha inay, iyaduna, galayso dood badan; waxaana run ah in qofkii aan dadka ku mahadin, una qiran abaalka, uusan ILAAHAY (swt), uga mahadineyn nicmada iyo wanaagga uu u sameeyay.

Safiir: Muxamed Saxnuun


Safiir: Axmado Waled Cabdalla


Labada safiir, Maxamed Saxnuun iyo Axmedo Waled Cabdalla, waxay dadaal xoogan u galeyn in Soomaaliya ay dib u hanato dawladnimadii iyo qarankeedii oo mideysan. Maxamed Saxnuun dhibaatooyinkii uu la kulmay waxaa ugu darnaa rag siyaasiyeen Soomaliyeed ah oo isku dayay inay horjoogsaday qorshihii uu doonayay inuu Soomaaliya wax ugu qabto. Axmado Waled Cabdalla, isagana, tii oo kale ayaa manta hortaagan!!

Madaxweyne Ismaciil Cumar Geele, taariikhda iyo da’da soo socota ee Soomaliyeed, wanaag ayay ku xasuusan doontaa


 

 

Written by Diirad Desk