| X.Al-Shabab oo la waregtay Matabaan |
|
|
|
| Tuesday, 06 April 2010 05:29 |
|
War deg deg ah oo hada naga soo gaaray degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saakay ay la wareegeen gacan ku heynta degmada Xarakada Al-Shabaab AlMujahidin kadib dagaal kooban oo ay la gashay Ahlu Sunna. Dadka deegaanka ayaa sheegay in degmada uusan ka dhicin wax dagaal ah marka laga reebo duleedka oo ay ka dhaceen waxoogaa dagaala ah xilli ay kasii baxayeen Ahlu Sunna oo u ruqaansaday dhinaca degmada Guriceel. Ma jirto ilaa iyo iminka wax war ah oo laga hayo qasaaraha dagaalka fudud ee saakay ka dhacay duleedka Matabaan,iyadoo iminka ay saldhiga iyo xarunta maamulka ay ku sugnayihiin Al-Shabaab. Waxaa kacsan xaalada guud ee degmada, waxaa jirta cabsi ay dadka ka qabaan in gudaha degmada ay ka dhacaan dagaalo waxaana suurta gal ah in ay soo rogaal celiyaan kooxda kale ee Ahlu Sunna. War wixii kusoo kala soco shabakada Diirad.com |
| Written by Diirad News Desk-Somalia |










Qeybi Maqaalkan