|
IAAF natiijada Samenya baaritan soogabagabeeyay |
|
|
|
|
Wednesday, 16 September 2009 01:33 |
|
Ururka IAAF ayaa soo saaray natiijada baaritaan ey ka qaadeen orodyahanada Koonfur Afrika Caster Semenyas ee dhawaan ku guuleysatay orodka 800 ee dumarka kaasoo ku aadan qof ahaanteeda oo shaki weyn laga muujiyay waxa ey tahay.
Samenya oo dumar ahaan uga qeyb-qaadatay cayaaraha ayaa waxaa iminka natiijada IAAF sheegeysaa in eysan aheyn 100% Semenya qof dumar ah, waxaana warbixinta natiijadu intaasi ku dartay in dhinaca hormoniska wax laga badalay.
Marki ey maanta saxaafaddu usoo ifbaxday arintani ayaa waxaa caro weyn ka muujiyay arintani madaxda iyo shacabka dalka Koonfur Afrika iyagoona ku hanjabay in hadii Semenya laga mamnuuco ciyaaraha islamarkaana ey weyso biladii ey ku guuleysatay dhawaan ey iclaamineyso dowladda S/Afrika dagaal.
Wali ma cada dagaalkani nooca uu yahay balse waa hanjabaad horudhac ah oo loo jeediyay gudiga alombikada aduunka IAAF.
Tan iyo markii ey Semenya ku guuleysatay orodkii 800-da boqol ee dumarka ee ka dhacay dalka Jermanu bil ka hor ayaa waxaa soo ifbaxayay shakiyo muujinaya in Semenya eyba nin tahay islamarkaana laga dareemayo qaabka jirdhiskeeda iyo muuqaalka.
Semenya ayaa looga aaminsanyahay dalkeeda S/Afrika halyeeyad usoo hoyisay dalkeeda sumcad iyo bilado qaali ah.
Diirad News Desk
|
|
Last Updated on Wednesday, 16 September 2009 02:00 |
|
Written by Diirad Desk
|